Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden oo dood kulul loogu qabtay Talafashinka Dowlada ee SVT..

Xisbiyada Sweden oo dood kulul loogu qabtay Talafashinka Dowlada ee SVT..

0
Foto Pontus Lundahl / TT kod 10050

iyadoo ay soo dhowdahay doorashada dalka Sweden isla markana xisbiyada ku jiraan ololahooda dhanka doorashada ayaa dood adag waxaa loo qabtay xisbiyada ka jira dalka.

Dooda ayaa la dhexdhigay hogaamiyaasha xisbiyada taasi oo toos looga daawanayay talafashinka dowlada ee SVT waxaan diirada lagu saaray dooda sadax arin oo kale.

1 Qaxootiga

2 Cimilada

3 iyo Danbiyada.

inta dooda ay socotay ayaa aad loo soo hadal qaaday arinta qaxootiga iyo sharciyada ku meel gaarka ee qaxootiga taasi oo dhawaan dhamaaneysa gaar ahaan sanadka 2019.

Xisbiyada ayaa ku kala aragti duwanaa in sharciga uu sii socdo halka qaarkood ay doonayeen in sharciga uu noqdo mid sii socda inta uu isbadal imaanayo.

labada xisbi ee ugu weyn dalka Sweden Socialdemokraterna iyo Moderaterna ayaa isku raacsan qorshaha qaxootiga lagu adkeenayo gaar ahaan sharciyada qaxootiga lagu dhimayo.

Hogaamiyaha xisbiga Moderaterna ayaa sheegay in sweden ay wax ka qabato arimaha qaxootiga hadii ay dooneyso in ay la tartanto dhanka caalamka.

Hogaamiyaha Xisbiga Socialdemokraterna ayaa dhankiisa sheegay in ay doonayaan in sharciga soo galootiga la adkeeyo oo sidiisa ahaado.

Sweden ayaa loogu tala galay 14,000 kun in ay u hesho qaxooti ahaan marka la fiirsho qoondada wadada midowga yurub lakin sanadkii u danbeeyay waxay qaabishay 26,000 kun.

Somaliska Stokcholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here