Home Wararka Maanta Sweden Aadaanka Salaada oo loo ogolaaday Masaajid ku yaalla Magaalada Växjö..

Sweden Aadaanka Salaada oo loo ogolaaday Masaajid ku yaalla Magaalada Växjö..

0

Masaajidka ku yaalla magaalada Växjö ayaa loo ogolaaday aadaanka salaada in kor loogu qaado iyadoo la isticmaalayo sameecado.

Booliska Magaalada Växjö ayaa go.ankaasi gaaray maana oo talaado ah waxana arintaasi soo dhaweeyay maslimiinta Växjö oo arintaasi u baahnaa.

aadanka salaada ee codka saro loogu qaadayo ayaa qaadanaya mudo 3 daqiiqo iyo 45 sikin sida booliska sheegeen.

Xiliga aadaanka saro loo qaadayo ayaa ah hal maalin isbuucii waana maalinta Jimcaha oo muslimiinta muhiimad gooni u ah.

Booliska ayaa dhanka kale masaajidka ka dalbaday in codka uusan gaarin gooba ka agdhow masaajidka sida iskuulada iyo guryaha iyadoo codka dhirirkiisa uu gaari karo 45 decibel.

dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada aanan aadaanka salaada dibada uga soobixi karin masaajidka iyadoo codka uu ku egyahay gudaha masjidka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here