Home News in English Akhriso Qodobada lagu adkeenayo Qaxootiga ee Xisbiga Socialdemokraterna soo bandhigay..

Akhriso Qodobada lagu adkeenayo Qaxootiga ee Xisbiga Socialdemokraterna soo bandhigay..

0

Waxaa  go.ano adag oo dhanka siyaasada qaxootiga soo bandhigay xisbiga Socialdemokraterna kaasi oo looga bartay horay mid ka duwan go.anada xisbiyada kale.

Raisal wasaaraha Sweden Stefan iyo wasiirka socdaalka dalka ayaa si wada jir ah shir jaraa.id ugu soo bandhigay qorshaha cusub ee xisbiga.

Arimaha ugu weyn waxaa kamid ah in qofka diidmada heesto uu markale dalka iska dhiibi karo mudo 8 sano ah kadib iyo in qofka sharciga loo diido dalka laga musaafiriyo.

xisbiyada qaarkood ayaa soo dhaweeyay qorshaha xisbiga Socialdemokraterna ee dhanka soo galooytiga.

Qodobada uu soo bandhigay Xisbiga Waxaa kamid ah.

1 in lasii wado Sharciga Xuduudaha.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii dalka sweden uu barlamaanka hordhigay sharci adkeenaya xaduudaha kaasi oo sharciga leesku waydiinayo marka aad dalka soo galeyso xisbiga ayaana doonaya in sharciga sii socdo inta wadada midowga yurub ay keenayaan qorsho cusub oo dhanka qaxootiga ah.

2 sugitaanka 8 sano qofka diidmo helo.

Sharcigan ayaana ah midka ugu hadal heynta badan dhanka arimaha qaxootiga tusaale ahaan qofka diidmo helo maanta waxaa loo ogolyahay in mudo 4 sano ah kadib uu dib u bilaabo karo kiiskiisa ama uu iska dhiibo karo laanta socdaalka ee migrationsverket lakin xisbiga ayaa soo bandhigay in 8 sano uu ka dhigayo hadii uu qofka helo diidmo in markale uu isdhiibo.

3 celinta dadka diidmada heesta.

Stefan Löften ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in lacelinayo qofka heesta diidmada madama dadka diidmada heesta qaarkood ay wadanka ku suganyihiin mudo dheer waxa uu sheegay in xisbigiisa diirada uu saarayo sidii dadkaasi loo celin lahaa.

4 in kaalmada laga jarto qofka heesta diidmada.

inkastoo qofka diidmada heesta laga jaro lacagta kaalmada hadana hadalka xisbiga ayaa lagu sheegay in kaalmada laga jaro qofka diidmada la siiyo taasi ayaana lamacna noqon karto in durba laga jaro lacagta kamuunka uu ka helo iyo in qofkaasi uusan ka shaqeen karin dalka hadii uu heesto diidmo madama dadka qaarkood ay shaqeeyaan iyagoo sharci heysan sida qofka keensada cadeymo.

5 adkeyn dheeraad ah.

in la adkeeyo dadka qaxootiga tusaale ahaan in ciidanka loo ogolaado baaritaanka moobilada qofka shaqsiga ah taasi oo faafaahin dheeraad ah laga bixin.

6 qofka oo xabsi lagu hayo inta aan lacelin.

dad badan ayaa ku xukuman in dalkooda lagu celiyo xisbiga ayaa soo jeediyay in qofka lagu xukumay tarxiil isla markana laga gaaray go.ankaasi lagu hayo xabsi inta dib loogu tarxiilayo dalkaasi.

sharciyadan uu soo bandhigay xisbiga ayaa dhaqan galaya marka doorashada sanadkan ay dhacdo waana sharciyadii ugu adkaa xisbigan ee dhanka soo galootiga taasi oo loo arko in uu ku doonayo helista doorashada dalka oo dhaceysa sanadkan dhamaadkiisa gaar ahaan bisha september

Xisbiyo badan ayaa soo dhaweeyay go.anka iyo qodobada xisbigan uu soo jeediyay sida xisbiga Moderaterna oo sheegay in sharuud la.an uu hada miiska wada hadalka uu la fadhiisanayo dhigooda.

Wixii ku soo kordha iyo Xisbiyada kale ee ka hadla lasoco

Somaliska Stockholm

Fadlan na Su.al Su.asha aad dooneyso in aad jawaab u hesho

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here