Home Wararka Maanta Xisbiyada Norway oo isku raacay Ciqaabta waalidka Caruurtooda uga soo taga Dalka...

Xisbiyada Norway oo isku raacay Ciqaabta waalidka Caruurtooda uga soo taga Dalka Dibadiisa..

0

Dalka norway oo kamid ah Wadamada ugu adag dhanka sharciga marka la eego qaxootiga dalka ku nool ayaa hada bilaabay qorsho lagu doonayo in ciqaab adag la marsiiyo waalidka ubadkiisa uga soo taga Dalka dibadiisa.

Ciqaabta waxaa isku raacay Xisbiyada Dalka Norway ka dhisan badankooda waxana kamid ah Xisbiyadaasi Frp, Venstre, iyo høyre kuwaasi oo doonaya in barlamaanka la horgeeyo hindisahooda.

Ciqaabaha Waalidka uu la kulmayo waa kamida ah.

1 in caruurta la geeya dibada laga qaado Barsaboorka.

2 in Waalidka laga jaro lacagta kaalmada uu ka helo dowlada.

Xisbiga kale ee AP ayaa dhankiisa doonaya in safaaradaha norway ay ku leedahay dibada loo ogolaado in caruurta xoog lagu wado ay siiyaan basaboor ku meel gaar ah kaasi oo u sahlaya in uu dalka ku soo laabto,

Joornalka Aftenposten ayaa qoray in xisbiyadaasi ay isku raaceen in Sharci soo jeedinta la horgeeyo barlamaanka si loo meel mariyo isla markana u dhaqan galo.

Dalka Norway ayaa ah wadanka kaliya ay xisbiyada badankooda ay fakar ahaan isku taageersan adkeynta soo galootiga dalkaasi ee dhanka qaxootiga taasi oo keentay in uu hoos u dhaco tiradad dadka halkaasi gaara.

Somaliska Oslo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here