Home Wararka Maanta Sweden Sadax Bil ka badan oo la sugayo goobaha Caafimaadka..

Sweden Sadax Bil ka badan oo la sugayo goobaha Caafimaadka..

0

Dalka sweden waxaa hoos u dhacay goobaha caafimaadka iyo sida bukaanka uu ku helayo qaabilaad caafimaad oo deg deg ah taasi oo laga helayo goobaha daryeelka.

Qofka xanuunsan isla markana u baahan qaliin waxay qaliinka ku qaadaneysa mudo sadax bil iyo ka badan in uu helo.

Bishii Maarso oo kaliya ku dhawaad 30,000  kun oo qof ayaa sugayay goobaha caafimaadka in ka badan sadax bil halka bilihii  January iyo February ay intaasi ka badneyd.

” Waxaa jira yaraansho isbitaalo iyo sidoo kale hoos u dhac dhaqaatiir sameneysa qaliinka ”  Sven Oredsson  ayaa sidaasi u sheegay radio sverige.

dhanka sugista goobaha caafimaadka ayaa ku kala duwan wadanka Tusaale Gobolka Västerbotten boqolkiiba 40% dadka waxay sugaan waqti dheer goobaha caafimaadka dhanka Halland dadka waxay ku helaan waqti goobaha daryeelka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here