Home Wararka Maanta Magaalada Malmö oo soo dhaweysay Sharciyo Cusub oo la xiriira Soo dhaweynta...

Magaalada Malmö oo soo dhaweysay Sharciyo Cusub oo la xiriira Soo dhaweynta Qaxootiga..

0

Maamulka Magalada Malmö ayaa soo dhaweyay baaritaan lagu sameeyay qaabilaada iyo soo dhaweynta qaxootiga iska dhiiba magaaladaasi iyo qaabka loo siinayo guryaha.

Go.anka iyo Sharciyada Cusub waxaa kamid ah soojeedinta in Qaxootiga la dajiyo xaruun gaar ah mudo ku dhow bil inta aan la dajin guri qaas ah.

Qaxootiga aan waqtiga dheer heysan Codsiyada in ay ka baxaan dalka si loo helo xaruumaha dhoor ah.

Qorshahan uu soo dhaweeyay maamulka ayaa la xiriira in la xadido qaabka loo dajinayo guryaha qaxootiga oo dhibaato ka taagan.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in shirkada Ebo ee guryaha qaabilsan in ay sameeyay dhibaato ku aadan dhanka guryaha oo dadka qaar la dajiyay goobo markii hore ka taagneyd suuqa madow in guryaha lagu helo.

soo jeedinta kale ayaa ah in sharkada Ebo laga xadido doorida guryeenta ee shirkada ka sameeyso deegaanada taasi oo keentay dhibaato xoogan.

baaritaanka ula jeedkiisa ayaa ah in baaritaan lagu sameeyo halka ay doorto shirkada Ebo ee ku aadan Deegaanka.

Gudoomiyaha Malmö Stjernfeldt Jammeh ayaa soo dhaweeyay ula jeedkan cusub ee lagu xadiyo guryaha.

dhibaatada ugu weyn ee Ebo ayaa ah in dadka magangalyodoonka ay dajiso goobaha weyn oo nabad aan aheyn iyo in lagu diiwaangaliyo ciwaano goobo ganacsi iyo sidoo kale guryaha dhulka hoostiisa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here