Home News in English Xisbi balanqaadkiisa ku soo bandhigay Mideynta Qoysaska kala Maqan iyo Qaxootiga..

Xisbi balanqaadkiisa ku soo bandhigay Mideynta Qoysaska kala Maqan iyo Qaxootiga..

0

Iyadoo ay dhoor bilood oo kaliya ay ka harsantahay Xiliga Doorashada Dalka Sweden ay dhacayso ayaa waxaa socda Soo bandhigida Xisbiyada Dalka ay ku soo bandhiyaan Qorshahooda doorashada Dalka iyo waxyaabaha ay diirada saarayaan.

Xisbiga Miljöpartiet oo kamid ah kuwa ku jira doorashada ayaa muhiimada saaraya ilaa 6 qodob oo kamid ah kuwa doorashada ku galayo isla Markana uu fulinayo hadii la doorto.

Miljöpartiet ayaa sheegay in uu doonayo mideynta Qoosaska kala maqan tusale ahaan qofka soo gaara Dalka in uu dib ula midoobi karo qoyskiisa ka maqan.

Arimaha kale ee Ahmiyada uu siinayo Xisbiga waxaa kamid ah Qaabilaada Qaxootiga iyo helitaanka Xuquuqda ay leeyihiin sida qofka kasoo cararay dhibaato adag in la siiyo sharciga rasmiga ah warbaahinta somaliska ayaana soo koobeysa Qodobada.

1 Mideynta Qoysaska.

Hadii qofka Sweden yimaado isla markana la siiyo Sharciga Dalka Waxa uu Xisbiga xooga saarayaa in qofka uu la midoobe Qoyskiisa.

2 Xaquuqda Magangalyodoonka ee Qaxootiga.

Sharcigan ayaa la filayaa in uu dhamaado 2019 waxana Xisbiga doonayaa Helitaanka Xaquuqda qofka magangalyodoonka iyadoo sharciga Rasmiga la siinayo qofka Kasoo tagay dhabaato Adag halka maanta laga siiyo sharci ku meel gaar ah.

3 Caafimaadka Maskaxiyan ee Caruurta iyo Dadka dhalinyada.

Waxaa arimaha uu diirada saarayo in Qodka maskax ahaan liita uu helo xaquuq dheeraad.

4 dhoofinta Hubka.

5 iyo dhanka beeraha Dalka.

Arimahaasi oo dhan waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee xisbiga Deegaanka ama Miljöpartiet uu xooga saarayo hadii uu ku guuleesto doorashada Dalka.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here