Home Wararka Maanta Akhriso Sharuudaha Hindise Soo jeedinta Dowlada ee Sharciga lagu siinayo Dhalaanka Waxbarta...

Akhriso Sharuudaha Hindise Soo jeedinta Dowlada ee Sharciga lagu siinayo Dhalaanka Waxbarta ..

2

Badanaa qorshaha dowlada Sweden ee ku aadan in sharci la siiyo dadka qaxootiga ku ah dalka maahan mid toos loogu dhawaaqo hase yeeshee waa mid si dadban dowlada xoog ugu saarto dhanka sharciga.

Dowlada ayaana hada dooneysa in fursad la siiyo dhalaanka kaligii socodka kuwaasi oo Dalka iska dhiibay isla markana loo diiday sharciga.

Dhalaankaasi oo marka ay isdhiibeen lagu dheereeyay sugitaanka Wareysiga ayaa diidmo loogu daray waqtigaasi dheer taasi oo muujineysa Dhaleeceen xoogan.

Dowlada oo ku dadaaleysa in Dadka diidmada heesta qaarkood la siiyo sharciga ayaa bilowday hindise soo jeedin ama sharci soo jeedin dhigaya in sharciga la siiyo dhalaanka dalka ku sugan taasi oo loogu magacdaray fursad labaad uu qofka ku joogayo Dalka.

inta aanan fiirin Faa.idada Maxay tahay fursada uu qofka ku heli karo sharciga Dalka iyo joogitaanka Sweden.

Guud ahaan Fursada labaad ayaa lagu saleeyay dhanka waxbarashada iyadoo qofka waxbarashada ka gaaray Dugsiga sare la siinayo sharciga Halka kuwa kale laga yareenayo Sharuudaha aqoonsiga sida in uu qofka cadeeyo somalinimadiisa taasi oo meesha laga saarayo.

Maxay Tahay ugu danbeyn Faa.idada iyo Sharuuda ku jirta Go.anka.

Hadii go.anka uu maro barlamaanka Sharuuda kaliya ee looga baahanyahay Dhalaanka ayaa ah in uu bilaabo waxbarashada heerka sare mana jirto sharuud kale oo lagu sheegay sharcigan dowlada soo jeedisay

Sida ay ogaatay Somaliska Faa.idada ugu weyn ayaa ah in Qofka uu heli karo Sharciga rasmi ah madama midka hore uu yahay mid ku meel gaar ah lakin waa in uu gaaro heerka waxbarashada dugsiga sare ee Högskolan.

Go.anka oo Xisbiyada qaarkood ay taageereen kuwa kalana ay diideen ayaa lagu wadaa in barlamaanka la mariyo si uu u dhawan u dhaqangalo bisha July bilowgeeda Waxana socda dadaalo lagu xoojinayo taasi oo dowlada xooga saareyo.

inkastoo aanan la ogeen hadana waxaa fursad ka heli kara caruur badan kuwaasi oo sharuud looga dhigay cadeynta in ay kasoo jeedaan wadanka ay sheegeen sida somaliya oo badankooda isdhiibay iyagoo heesan wax cadeyn ah.

Somaliska Stockholm

Go.ankaan ma ku Quseeyaa Fadlan Hoos ku Reer Fakarkaaga iyo Su.aashaada

AD

2 COMMENTS

  1. asc sxb gu aankaas waan soo dhawynayaa laakin dadka sharciga loo diiday oo halkaan ku guursaday maxaa loo hayaa warkeeda mahaysaa idaacad ahaan

  2. Haa go’aanka wax aa ka jira se qof wal oo dhalinyaro ah ma cawinayo waa dadka qaar lee. Ani ahantay waxa Sweden ku nolahay knappt 3 sano, waxan wadanka imi marka jiray 17 manta waxa jira kudhawad 20. Skole ka dugsi sare (gymnasiet först år aa dhigta oo bilaabay summer17. Wax walba okj ay ahayen inta ka hor. Waxa didmadayda kowaaad helay 2017/06/05 ka dib maxkamad aa didmo 2aad ka helay 2018/03/18 sowabta ah migrationsverket ma aminsana ina ka imi mesha aan u shegay ina ka imi wax cadeynana ma ahayn oo aan tuso. Iaf waa Isku dayey ina qodobka ardaynimo wax ku radsado se marwalba waxa IgA hor timaada qof wayn aa tahy iyo diidmo aa heshay so waxay ila tahy qodobkan ama sharcigan wuxu cawinaya kaliya dhalinta ka yar 18 iyo dhalinta ka yar 25 se aan Helin wax jawab ah wali . Waxan kgula taalin laha hada tahy qof aan jawab Wali Helin kana yar 25 ka faaidayso oo la xirir Advokatkga iyo migrationsverket kaba wcs??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here