Home Wararka Maanta Xafiiska Shaqada Arbetsförmedlingen oo Qeybta Ceymiska ka dalbatay bixinta lacagta Qofka Bukaanka...

Xafiiska Shaqada Arbetsförmedlingen oo Qeybta Ceymiska ka dalbatay bixinta lacagta Qofka Bukaanka Ah ..

0

Xafiiska Shaqada Ee Arbetsförmedlingen ayaa soo gudbiyay dhaleeceen ku aadan dad badan oo xanuunsan waqti dheer kuwaasi oo lagu qasbay in ay shaqo raadsadaan.

Maria Kindahl oo ka tirsan xafiiska Shaqada qeybta Baxnaaninta Shaqada ayaa sheegay iy Xafiiska Shaqada yimaadeen Dad badan oo shaqo raadis ah kuwaasi oo aan shaqo raadin karin halka qaarkood aysan awoodin.

Boqolkiiba 450 ayey korortay Dadka booqday Xafiiska Shaqada kuwaasi oo qaba Xanuun taasi oo ka dhigan in ay kororto tan iyo Sanadkii 2014 markaasi oo tirada aheyd 8600.

Madaxa Qeybta Shaqo baxnaaninta Maria Kindahl ayaana sheegeysa in arintaasi ugu wacantahay Xafiiska Ceymiska oo dadkaasi ka jartay Lacagta.

Labada Hay.adood ayaana ku kala duwan xukminta in qofka uu shaqeen karo iyo in kale.

Dhanka kale Xafiiska Shaqada ayaa soo jeediyay in 84 Milyan oo dheeraad ah loogu daro lacagtooda si ay arintaasi ugu maareeyaan sadaxda sano ee soo socota.

Arbetsförmedlingen ayaa dalbanaya in Dowlada ay wax ka badasho Sharciyada qaar si loo helo in Xafiiska Shaqada uu Qofka Xanuunsan uu ku celin karo Xafiiska Ceymiska ee Försäkringskassan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here