Home Wararka Maanta Skatteverketka oo soo gudbiyay xiliyada la celinayo Xisaab Xirka Sanadka 2017..

Skatteverketka oo soo gudbiyay xiliyada la celinayo Xisaab Xirka Sanadka 2017..

0

Waxaa la filayaa in dib loo celiyo Xisaab Xirka ku aadan Laanta Canshuuraha ee sanadkii 2017 waxaana loo celindoonaa qaab casri ah oo digital ah.

Hay.ada laanta Canshuuraha Sweden ee Skatteverket ayaa sheegtay in ku dhawaad 2.2 milyan ay xisaabta ku celindoonaan qaab digitalka.

Dadka kale ee aan isticmaalin Hanaanka Digitalka ayaa warqado loogu soo diridoonaa guryahooda taasi oo qaadaneysa xoogaa.

Tusaale Qofka isticmaala Appka ama qaabka digitalka ayaa Xisaabtiisa waxa uu gudbindoonaa 20 Maarso ugu danbeyn 28 maarso.

Taasi ayaa ka dhigan in xisaab celinta uu helidoono 15 April waana marka uu u xareeyo qaabka casriga ee Digitalka.

Dhanka kale waxaa jira dadka aan heysa qaabka digitalka waxaana kuwaasi ay bilaabeen horaanta bisha Marso waxaana maalinta u danbeesa ay tahay 2 may.

Sanad kasta ayaa dib waxaa loo celiyaa xisaab xirka Daqliga ku soo galaya iyadoo ay dhici karto in lacag laguu soo celiyo ama lacag lagugu yeesho.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here