Home Wararka Maanta Xisbiga Liberalerna oo soo bandhigay Qorshahooda ku aadan doorashada sweden ee Sanadkan..

Xisbiga Liberalerna oo soo bandhigay Qorshahooda ku aadan doorashada sweden ee Sanadkan..

0

Xisbiga Liberalerna oo kamid ah xisbiyada ku tartamaya doorashada ka dhaceysa dalka sweden dhamaadka sanadkan ayaa soo bandhigay qorshahooda ku aadan doorashada hadii la doorto sida ay sheegtay Maria Arnholm, xog-hayaha xisbiga Liberalerna oo la hadashey wakaalada wararka ee TT.

Xisbiga ayaa diirada saaridoona dhanka waxbarashda iyagoo balan qaaday in hal sano lagu kordhin doono waxbarashada heerka hoose.

Liberalerna ayaa dhanka kale waxa uu dhiirogalindoonaa qaxootiga ku cusub dalka sweden ee aan heysan shaqada.

Warbaahinta Somaliska ayaa soo koobeysa Qorshahooda ugu muhiimsan.

1 kor u qaadida waxbarashada Hoose iyo Dhexe

tusaalle in lagu kordhiyo sanad dheeri ah taasi oo ka dhigan in dugsiga hoose iyo dhexe lagu dhameeyo 10 sano.

2 Mamnuucida taleefanada.

tusaale ahaan in taleefanka laga mamnuuco ardayda xiliga ay ku jiraan fasalka iyo goobaha waxbarashada.

3 La wareegida iskuulada.

Liberalerna ayaa doonaya in ay la wareegaan maamulka iskuulada.

4 dhanka is dhexgalka.

Tusaale ahaan xisbiga Liberalerna ayaa doonaya in isdhexgal xoogan sameeyaan iyadoo la sameenayo shaqooyin mushahan hoose lagu bilaabayo taasi oo soogalootiga siineysa fursad ay ku galaan suuqa Shaqada.

Xisbiga ayaa ugu daneyn sheegay in sharuudaha lagu adkeendoono dadka barta luuqada swiidhishka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here