Home Wararka Maanta Qeybta Migrationsverket Sweden oo sheegtay xiliga jawaabaha la siinayo dadka isdhiibay kahor...

Qeybta Migrationsverket Sweden oo sheegtay xiliga jawaabaha la siinayo dadka isdhiibay kahor sanadka 2017..

0

Wakaalada Socdaalka Dalka sweden ee Migrationsverket ayaa soo gudbisay xaalada dadka magangalyo doonka ee iska dhiigay dalka iyo waqtiga ay ku helikaraan jawabaaha.

Migrationsverke ayaa dhanka kale waxa uu soo saaray isla markana ku celiyay qaxootiga la filan karo sanadkaan aan ku jirno iyo sanadka xiga.

Agaasimaha guud ee Migrationsverket Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in dadkii kahoreeyay sanadka 2017 ay helayaan jawaabahooda.

bartamaha Sanadkaan 2018 ayuu sheegay in jawaabtooda la siinayo dadka wadanka iska dhiibay kahor 2017 lakin waa kuwa dhameestay wareysigooda ama kiiskooda.

arintaasi ayaana ka dhigan in dadka isdhiibay kahor sanadka 2017 isla markana marey wareysigooda ay helayaan jawaabtooda ku aadan ogolaanshaha wadanka ama diidmada wadanka.

saadaalin ay sameesay wakaalada socdaalka sweden ayaa lagu sheegay in sanadkan 2018 ay dalka iska dhiibidoonaan 23,000 kun oo magangalyo doon ah dadkaasi 1500 kun oo kamid ah ayaa noqondoona caruur.

Qeybta socdaalka ayaa saadaalin kale waxay ka bixisay sanadka 2019 iyadoo sheegtay in dalka iska dhiibi karaan qaxooti gaaraya 29,000 kun.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here