Home Wararka Maanta Dalka Canada wiil Somali ah oo meydkiisa laga helay gaari dhexdiisa..

Dalka Canada wiil Somali ah oo meydkiisa laga helay gaari dhexdiisa..

0

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Cigaal Daa’uud oo 30 Sano-jir ah ayaa waxaa Meydkiisa laga dhex helay Gaari sida ay Sheegeen Booliska Magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Laanta Dambi Baarista ee Magaalada Ottawa ayaa sheegtay in baaritaan lagu haayo meydkan iyada oo sidoo kalena lagu daba jiro qolada dishay wiilka Soomaaliga ah.

Boolisku mashaacin in Muwaadinkan Soomaaliyeed in Gaariga lagu dhex dilay iyo in meelo kale lagu soo dilay balse ay ku gaabsadeen in baadi Goob ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

Dalka Canada ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed taas oo walaac ku abuurtay Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi,sidoo kalena ay cabsi soo wajahday Dhalinyarada Soomaaliyeed.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here