Home Wararka Maanta Xisbiyada Barlamaanka oo dib eegaya in la mamnuuco Sim-carka aan diiwaan gashaneen..

Xisbiyada Barlamaanka oo dib eegaya in la mamnuuco Sim-carka aan diiwaan gashaneen..

0

Dhamaan Xisbiyada barlamaanka Sweden ayaa isku raacay in dib loo eego Sim-carka aan diiwaan gashaneen kuwaasi oo la isticmaalo isla markana laga helo goobaha ganacsiga iyo wadooyinka.

Go.anka Barlamaanka ayaa yimid kadib markii Rakhmat Akilov oo weerar xoogan ku qaaday bartamaha Sweden uu isticmaalay 53 Sim-card kuwaasi oo aan diiwaan gashaneen waxana uu kula xiriiray Guruub uu markaasi la waday qorshaha.

Barlamaanka ayaana wada qorsho lagu mamnuucayo sim-karka oo lagu iibiyo wadooyinka sweden si loo helo macluumaadka dadka isticmaalaya xiligaasi ama loogu sameeyo raad raac (track).

Hogaamiyaha Xisbiga Socialdemokraternas ayaa sheegay in arinta isticmaalka sim-karka aan diiwaan gashaneen aysan ka siisocon karin gudaha Sweden waqti dheer.

dhanka kale xisbiga Moderators afayeen u hadlay ayaa sheegay in xisbiga uu diyaarinayo qorsho nuucaan oo kale ah.

Xiligii deyrta ee lasoo dhaafay ( höst ) dowlada Sweden qeybteeda baaritaanka ayaa loo jeediyay fakar ah in ay baarikaraan aalada App-ka ee loo yaqaano WhatsApp kuwaasi oo isticmaalayaan kuwa laga shakisanyahay.

Somaliska Stockholm 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here