Home Wararka Maanta Xisbiga Vänsterpartiet ee Sweden oo soo jeediyay in 6 saac la shaqeeyo...

Xisbiga Vänsterpartiet ee Sweden oo soo jeediyay in 6 saac la shaqeeyo maalintii..

0

Shalay axadii ayaa albaabada loo xidhay shirweeynihii xisbiga Vänsterpartiet. Halkaas ayaa go´aansaday suaalaha uu xisbigu xooga saari doono ololaha doorashada sannadka dhici doonta.

-Xaaladu aad ayey u adagtahay maadama uu xisbiga Sverigedemokraterna saameeyn weeyn ku yeeshay siyaasada xisbiga Moderaterna. Sidoo kale ayey Moderaterna saameeyn ku leeyahiin Socialdemokraterna, way kala daran yihiin, waxaa loo baahan yahay xisbi waddanka hore u socodsiiya, ayuu sheegay xooghayaha xisbiga Vänterpartiet Aron Etzler.

Guddoonka shir waynaha ee xisbiga Vänsterpartiet ayaa go’aamiyay in ay heeyada tirokoobka soo saarta ee SCB marka ay tirokoobyadooda shaacinayaan ku qoraan jinsiyadaha kala duwan. 

Qodobada lagu soo qaatay shir weeynahan ayaa muujinaya sidii loo simi lahaa dadka dakhliga sare qaata iyo dadka saboolka ah. Tusaale ahaan ayuu xisbigu soo saaray hindise sheegaya in wakhtiga shaqada laga dhigo lix saacadood maalintii. Mid ka mid ah dadka fikirkan taageersan ayaa ah Niklas Bougt oo magaalada Huddinge u matala xisbiga.

-Waxeey ka mid tahay suaalaha ugu muhiimsan ee aan la gali doono ololaha doorashada, ayuu sheegay.

Qaar ka mid ah go´aanada shirweeynahan lagu gaadhay ayaa ah in shaqada laga dhigo 30 saacadood keliya todobaadkii, in la joojiyo dhoofinta hubka, in la mamnuuco bacaha caaga ah, in dawladu la wareegto farmasiyada iyo goobaha baabuurta lagu kantaroolo, iyo in daryeelka ilkuhu uu ka mid noqdo caymiska daryeelka caafimaadka, waxaa loo yaqaano sjukförsäkringen.

Source radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here