Home Wararka Maanta Kooxda Qaranka Hablaha Sweden ee Xeegada Barafka oo la kulmay kuuriye..

Kooxda Qaranka Hablaha Sweden ee Xeegada Barafka oo la kulmay kuuriye..

0

Kooxda xulka qaranka hablaha Sweden ee ciyaarta xeegada barafka ayey maanta tartanka olompikada isku hardiyi doonaan dhiggooda ee xulka isku dhafka ah ee matalaya waddammada Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya – kooxdaasina oo dareen wayn ka dhex abuurtay bulshada ku dhaqan Koonfurta Kuuriya.

Cindy Lee waxay ka mid tahay muwaadiniinta aamin-san in isku dhafkani yahay mid wanaag-san sidii caalamka loo tusi lahaa in khilaafka ka dhexeeya labada kuuriya uu yahay mid loo heli karo xal nabadeey-san, hase yeeshee aaney qaar badan oo bulshada koonfurta Kuuriya ka mid ahi la qabin fikirkaa.

–Ma fahmi karo sababta aanu uga ogolaanney tallaabadan, kolka uu madax-waynaha dalka waqooyiga Kuuriya Kim Jung UN uu malin walba noogu caga-jugleeyo hubka atoomikada, intaa waxaa dheer inuu haddana dusha u ritay kartida isku dhafka labada kooxood, sida uu idaacadda la iska daawado ee koonfurta Kuuriya u sheegay muwaadin falkaa ka dhiidhinaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here