Home Wararka Maanta Haweeney Sweden kasoo jeeda oo lagu amray dib u bixinta Nus malyan...

Haweeney Sweden kasoo jeeda oo lagu amray dib u bixinta Nus malyan kronor iyadoo Xanuun qoratay..

0

Wakaalada ceemiska bulshada ee loo yaqaano (Försäkringskassan) ayaa amar siisay haweeney kasoo jeeda Sweden taasi oo lacag ku qaadaneysay in ay xanuunsan tahay.

lacagta lagu amray in ay bixiso ayaa timid kadib markii la ogaaday in ay ka shaqeeso Gudaha Dalka Norway gaar ahaan xadka dalkaasi uu la wadoo Sweden.

Haweeneydan oo 60 sano jir ah ayaa lacagta sweden ku qaadaneysan qaab jiro ah lakin taasi badalkeeda ayey ka shaqeen jirtay dalka Norway tan iyo June 2013 ilaa September 2017 sida ay ku waramayaan warbaahinta.

Sanadkii lasoo dhaafay dowlada sweden ayaa ogaatay xogta ku aadan in haaweydaasi ay ka shaqeeneyso Dalka norway tan iyo may 2013 waxana wakaalada ceemiska bulshada ee (Försäkringskassan) ay aruurisay dhamaan cadeymaha muujinaya in ay aad u shaqeesay.

haweeneydaasi oo kasoo jeeda Magaalada Umeå ayaa heesata dhamaadka bishan in ay ku bixiso lagacta lagu amray oo gaareysa 614,539 kronor oo u dhiganta (62,000 euros)..

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here