Home Wararka Maanta Lacagta uu qaadanayo Taliyaha Cusub ee Booliska Sweden oo lasoo bandhigay..

Lacagta uu qaadanayo Taliyaha Cusub ee Booliska Sweden oo lasoo bandhigay..

0

kadib markii dhawaan uu xilka taliyaha booliska Dalka sweden uu iska casilay Dan Eliasson waxaa la magacaabay taliyaha Cusub ee Booliska Sweden kaasi oo lagu magacaabo  Anders Thornberg,

Anders Thornberg ayaana isbuuca danbe waxa uu bilaabidoonaa shaqadiisa xafiiska ee dhawaan loo magacaabay waxana durba lasoo bandhigay mushaharka uu qaadanayo bishii,

Taliyaha Cusub ee Booliska Sweden  Anders Thornberg ayaa bishii qaadandoona 163 200 Sek ama Karoon ee lacagta Sweden taasi oo lamacno ah in uu 3 200 kronor ka sareeyo taliyihii hore ee xilkaasi iska casilay Dan Eliasson.

Wasiirka Cadaalada Sweden Morgan Johansson ayaana warbaahinta u sheegay in Taliyaha cusub ee Booliska uu noqonayo Anders Thornberg.

bishan 15 keeda ayuu Anders Thornberg waxa uu bilaabidoono shaqadiisa cusub ee Taliyaha Booliska sweden waxana uu ka hadlidoonaa isbadalkiisa.

Source Aftonpladet

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here