Ajaanibta Sweden oo ugu badan dadka gala Liiska Madow ee Deemaha Kronofogden..

0

Tiro ka badan oo ajaaniib ah ayaa ka diiwaan-gashan hayadda khasab ku soo celinta deeymaha (kronofogden), kolka loo barbar-dhigo dadka asal ahaan ka soo jeeda Sweden.

Bulshada reer Sweden ee ka kooban 10-ka malyan ayey 17% ku dhasheen dalka dibaddiisa, hase yeeshee ay hayadda kronofogden dadka ka diiwaan-gashan in deeymo ey soo celiyaan ey ajaaniibtu dhan yihiin 28%.

Maxaa ugu wacan?

-War-bixinta ey wada-jir u sameeyeen hayadda Kronofogden iyo jaamicadda Lund ayaa looga gol lahaa sidii wax looga ogaan lahaa sababta ka dambeeysa in liiska deeynta la galo iyo sidii wax looga qaban lahaa. Waana markii ugu horreeysay ee baaris noocani ah la sameeyo, sida uu sheegay Davor Vuleta, oo khadka telefoonka aannu ku wareeysanney. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay in war-bixinta laga dheehan karo saddex arrimmood oo sabab u noqda in liiska madow ee deeymaha la galo. Kuwaasina oo kala ah:

Sababaha dhaliya xaaladda

-Waxaa jira saddex astaamood oo saameeyn iksu leh , isla-markaana sababa liiska cas ee deeymaha in la galo: Tacliin hooseeysa, dhaqaale hooseeya iyo shaqa-la’aan. Hase yeeshee arrinkan laga siman yahay meel walba oo uu qofku ku dhashay, hadday noqon lahayd Sweden gudaheeda oo ey ku dhaleen laba waalid oo asalkoodu iswiidhish yihiin ama dibaddeeda cid ku dhalatay, sida uu sheegay.

Waa markii ugu horreeysay oo cilmi-baaris dhiggeeda ah si gaar ah loogu qiimeeyo dadka ku dhashay dalka dibaddiisa, sida uu sheegay Davor Vuleta.

-Muhiimadda ka dambeeysaana waxay tahay sidii looga badbaadi lahaa liiska madow ee hayadda khasab ku soo celinta deeymaha, Kronofogden. Kolka ay kor u sii kacdo aqoonta loo leeyahay dadyoowga liiska madow gala waxaa sii kordhaya awoodda loo leeyahey sidii looga hor-tegi lahaa, sida uu aamin-san yahay Davor Vuleta.

Ajaaniibta ayaa inta badan liiska madow ku gala deeymo ey ku yeeshaan heyadaha dawladda, sida: shatiga raadiyaha, ganaac gawaari, hayadda ceeymiska qaran, midda deeymaha wax-barashada ee CSN iyo wixii la mid ah. Halka iswiidhishku ku galaan deeymo ey ka qaateen shirkadaha mulkida loo leeyahey.

Qofka ayay masuuliyad ka saaran tahay sidii uu ku bixin lahaa deeymaha, isla-markaana uga badbaadi lahaa liiska madow ee deeymaha. Hase yeeshee uu Davor Vuleta sheegay in marar badan ey ajaaniibta ugu wacan tahay iney liiska galaan aqoonin darro:

-Waxaan oran lahaa inay ugu wacan tahay war-bixin iyo aqoon darro. Ajaaniibta dalka ku cusubina waa iney war-bixinnada u qaataan si habboon, hayaduhuna ey war-gelintooda ka hagaajiyaan. Intaa waxaa dheer oo aannu aragnaa in shaqada iyo dhaqaalaha soo gala shakhsigana ey door weyn ka ciyaaraan. Marka waa in suuqa shaqada loo galo sida ugu dhakhsiyaha badan, si dakhliga kor loogu qaado. Markaa waxaa yaraanaya suurtagalka ah in lagu dhaco shabakadda deeymaha ee liiska madow, sida uu sheegay Davor Vuleta oo ka howl-gala hayadda khasab ku  soo xereeynta deeymaha – kronofogden iyo jaamicadda Lund, ahna ninka ka dambeeyay war-bixintan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here