Sweden Xisbiga Moderaterna oo Sheegay in la sahlo sidii loo tarxiili lahaa kuwa Danbiyada Sameeya..

0

–Waxaannu iminka dooneynaa in aannu ciidanka ilaalinta xudduudaha siinno awood dheeri ah sidii loo joojin lahaa in Sweden lagu dareemo janno ey ka howl-galaan kooxaha ajaaniibta ee xatooyada dalka ka sameeya, sida uu sheegay Tomas Tobé, af-hayeenka xisbiga ee su’aalaha shuruucda.

–Waa wax cad in aan alaabooyin dalka laga xadey aan sidii la doono dalka dibaddiisa loogu dhoofin. Waa in la joojiyo, intaa waxaa dheer in sharcigana la adkeeyo.

Ciidanka xuduudda in awood loo siiyo inuu joojin karo dhoofinta alaabooyin la tuhun-san yahay in la soo xadey, halka uu iminkaba ku joojin karo haddii uu jiro tuhun hub aan sharci aheyn ama muqaadaraad.

Sida uu sheegay Tomas Tobé in jabsiga guryaha lagu sameeyo ee dalka ka dhaca barkood ey ka dambeeyaan kooxo ajaaniib ee dalka dibaddiisa ka yimid.

Waxey ka soo jeedaan waddammo EU xubno ka ah oo ey ka mid yihiin Litauen, Ruumeeniya iyo Poolan.

Aad ayey u hooseeyaan ka guul-gaaridda dembiyada noocaasi ah 4% ayaa lagu guuleeystaa in lgacanta lagu soo dhigo.

Xisbiga ayaa sheegay in loo baahan yahay si ka sahlan in loo masaafurin karo cidii xukun noocaasi ah uu ku dhaco, sida uu sheegay Tomas Tobé:

–Waxaan aamin-sannahay in haddii dembi noocaasi ah lagu galo dalka Sweden, in dalka laga tarxiilo xitaa haddii uu yahay muwaadin waddammada EU. Xeerka xoriyadda dhaqdhaqaaqa ee EU marnaba loogama jeedin inuu difaaco dembiileyaasha noocan ah, sida uu sheegay af-hayeenka xisbiga Moderaterna ee siyaasadda shuruucda, Tomas Tobé.

Xigasho Radio Sverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here