Migrationsverket oo dib u eegis ku sameeyay Xaalada Amaan ee Dalka suuriye..

0

Qeybya dhanka Socdaalka u qaabilsan Dalka Sweden ee Migrationsverket ayaa dib u eegis ku sameesay xaalada amaan ee xiligan ka taagan Dalka suuriya.

Warbixin laga soo saaray qeybta socdaalka ayaana lagu sheegay in halista amaan ee dalkaasi ay wali jirto isla markana soconayaan qaabilaada qaxootiga magangalyo raadiska.

Sidoo kale warbixinta oo taabaneysa meelo badan ayaa lagu sheegay in sanadka cusub bilowgiisa la qorsheenayay in hormar dhanka amaanka laga sameeyay dalkaasi lakin wali ay jirto halista dagaalada socda.

Migrationsverket ayaa intaasi ku daray in lasii wadidoono qiimeynta dhanka amaanka Dalkaasi maadaama uu dhici karo isbadal.

” waxaan wadidoonaa qiimeyta xaalada dalkaasi lakin hada waxaa baaqi ku sii ahaandoonaa sharcigeena hore ee sanadkii 2015 kaasi oo aan kula dhaqano qaxootiga Syria ‘sidaa waxaa sheegay madaxda Qeybta socdaalka Fredrik Beijer.

Dowlada Sweden ayaa sanadkasta iyo waqti walbo waxay qiimeene ku sameesaa xaalada amaan ee Dalala ka jiraan dhibaatada kuwaasi oo isla dhiiba Dalkooda.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here