Gabdhaha Muslimiinta ah oo goob ay ku dabaashaan ka helay Katrineholm

14

Ardada dhigata fasalka sagaalaad ayaa waxaa qasab ku ah in ay yaqaanaan dabaasha haddii ay doonayaan in ay dhibco ka helaan maadaama isboortiga balse gabdho badan oo Muslimiin ah, qaasata Soomaalida ayaan aadin dabaasha sababtoo ah wiilasha iyo gabadha oo isku goob ku dabaasha.

Guriga dabaasha ee lagu magacaabo Duveholmsbadet ee ku yaala magaalada Katrineholm ayaa mudo ka hor u qorsheeyay gabdhaha Muslimiinta ah waqti gaar ah oo ay iyaga kaliya u xirantahay goobta oo dhan. Ardada ka socota iskuulka ayaa yimaada xiligaas iyadoo ay la socdaan macalimiin dumar ah oo baraya sida loo dabaasho.

Gabdho badan oo Soomaali ah kuna nool magaalada Katrineholm ayaa ka faaidaystay fursadaan oo aan laga helin inta badan  magaalooyinka Sweden. Ardada qaar oo la wareystay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in ay helaan waqti u gaar ah oo aysan ka cabsi qabin in wiilasha ay la dabaashaan.

Mid ka mid ah macalimiinta dabaasha oo lagu magacaabo Susanne Bergström ayaa wargeyska Kkuriren u sheegtay sida ay ugu faraxsantahay in gabdhaha la siiyo xili gaar u ah. Waxay wargeyska u sheegtay in gabdhaha inta ka badan ka soo jeeda Soomaaliya aysan aqoon sida loo dabaasho markii ay bilaabeen casharada balse hada ay la qabsadeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here