Soomaalida Fagersta oo u hambalyeesay Somaliland [Video]

30

Magaalada Fagersta waxaa ka dhacday xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta 18ka May ee looga dabaal dago Somaliland. Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay guud ahaan Soomaalida ku nool magaalada oo inta badan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyadoo laga dheehan karay farxad iyo isku duubni ay muujinayaan dadkii halkaas yimid oo isugu hambalyaynayay nabad iyo horumar dhinac kasta ah.

Xafladaan ayaa la dhihi karay waxay tusaale u tahay sida markii siyaasada meesha laga saaro ay isugu faraxsanyihiin dadka Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyiba dega. Iyadoo waloow Soomaali badan oo aan xaflada kula kulmay aysan la dhacsanayn in Soomaaliya ay kala go’do, hadana ay ku faraxsanaayeen horumarka iyo nabada ay gaartay Somaliland.

Daawo Sawirada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here