SocialDemokraterna oo dib uga noqday dalabkii ciidaha Muslimiinta

1

Isbuucaan ayaa xoghayaha xisbiga SocialDemokraterna Carin Jämtin dood culus ka dhalisay Sweden ka dib markii ay ku baaqday in la aqoonsado ciidamaha Muslimiinta oo lagu badalo mid ka mid ah kuwa Kiristaanka maadaama Sweden ay hada tahay wadan umado kala duwan ku noolyihiin.

Hadaba Carin Jämtin ayaa dib uga noqotay hadalkeedii ka dib markii si weyn ay u cambaareeyeen cunsuriyiinta Sweden iyo xitaa dad ka mid ah xisbigeeda.

“Maya, ma dooneyno fasaxyo cusub, sidaa darteed ma dooneyno in aan ciidal-fitri ka dhigno fasax. Waan ku qanacsanahay ciidamaha Sweden waa sidaas aragtida xisbigeena” ayay idaacada Sweden u sheegtay Carin Jämtin.

Hadalkaas ayaa lid ku ah hadalkeedii hore oo ahaa in ciidal-fikri laga dhigo safax. Cunsuriyiinta ayaa ku dooday in Sweden aysan u baahneyn ciid cusub oo ku saleysan diin maadaama wadankaan uu yahay mid aan diin gaar ah lahayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here