Xisbiga Kristdemokraterna oo codsaday in reeraha la mideeyo

15

“Kristdemokraterna ma aqbali karaan in sharciga loo fasirto in lagu kala qeybiyo reeraha Soomaalida, Haddii aysan Maxkamada Socdaalka isbedel sameyn waa in baarlamaanka uu isbedel degdega sameeyaa, arintaan waxaan kala hadli doonaa Wasiirka Socdalka Billström” Ayay tiri Emma Henriksson oo xisbiga KristDemokraterna u qaabilsan arimaha bulshada iyo Socdaalka kana tirsan baarlamaanka Sweden.

“Marnaba baarlamaanka ujeedkiisa ma ahan in la kala qeybiyo caruurta iyo waalidiintooda. Mideynta reeraha waa tan koowaad waana in wax kasta laga hor mariyaa” ayay Emma Henriksson ku qortay bogga xisbiga KD.

Beryahaan waxaa soo kordhigay aragtida laga qabo xaalada reeraha Soomaalida ayadoo u muuqata in siyaasiyiinta iyo bulshada Sweden ay ku soo baraarugeen dhibaatada haysata Soomaalida.

Baarlamaanka Sweden ayaa la filayaa in uu ka doodo mideynta reeraha aan aqoonsigooda cadeyn karin 30 bisha Maarso, ayadoo taageerada Xisbiga KristDemokraterna ay muhiim tahay maadaama ay ku jiraan xulufada haysa talada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here