Wargeyska DN oo Soomaalida wax ka qoray

7

Wergeyska Dagens Nyheter (DN) oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Sweden ayaa bogiisa hore ku daabacay mowduuc ku saabsan dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed oo kala go’doonsan.

Tan iyo markii Sweden soo rogtay in dadka daganaashiyaha ka soo codsanaya wadanka dibadiisa, qaraabo Sweden u joogta darteed ay codsigooda soo raaciyaan baasabor la aqoonsanayahay ayaa waxay taasi dhibaato ku noqotay qoysas badan oo soomaali ah in ay la midoobaan qoyska intiisii kale oo ku nool Sweden. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay dadkii soomaaliyeed oo daganaashiyaha helay 2009 , ayadoona 2010 tidaradii hore is dhintay ilaa 90% .

Waxaan arintan sidoo loo baahnaa ula tacaalin heyadaha dawladda oo ay maxkamaduhuna ku jiraan, siday ay la tahay Annika Lagerqvist Veloz Roca, oo bare sare ka ah jaamacada Stocholm , “hey’adaha dawladda ayaan go’aamada isku raacayn, taasina waxay dhimbil dab ah ku tahay xitaa siyaasiyiinta” sidaasi waxaa yiri Annika Lagerqvist .

Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka Socdaalka gaabsaday mar wax laga weydiiyey arintaan,laakin wuxuu xaqiijijey in arintaan ay tahay mid hada taagan, mar dhawna xal laga gaari doono.

Joornaalka oo sheeko dheer ka qoray gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Istaahil Xuseen, kuna nool magaaladda Fälköping oo 7 caruur ah iyo saygeeduba ku noolyihiin xerada qaxootiga Kakuma ee wadanka Kenya ,ayuu wargeysku soo bandhigay sida ay xaqa ugu leedahay gabadhani in xubnaha kale ee qoyskeeda si sharuud la’aan ah loogu keeno.

Madaxa Xaga Sharciga u qaabilsan Laanta Socdaalka, Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in hada maxkamada sare ee laanta socdaalku arintan kor u soo qaaday, hadii jawaab wanaagsan ay bixin weydana ay arintu u gudbi doonto siyaasiyiinta.

Sikastaba ha ahaatee waxaa jira dhaq-dhaqaaq wanaagsan oo hada socda lana doonayo in arintaan wax looga qabto, kaas oo xoogiisu hada ka dhex socdo hey’adaha dawliga ah dhexdooda.

Dhanka kale dhalinyaro Soomaaliyeed oo ayguna dhankooda arintan oga hawlanaa ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo haya la kulmaan wasiirka Socdaalka una gudbiyaal dacwad ka dhan ah sharciga hada lagula dhaqmo soomaalida.

Saciid Cabdi Cusmaan, Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here