Baarlamaanka Sweden oo ka doodaya arimaha Soomaalida

22

Baarlamaanka Sweden (Riksdagen) ayaa ka doodi doona arimaha mideynta reeraha Soomaalida 30 bisha Maarso ee Sanadkaan. Dooda oo ku saabsan Socdaalka iyo Magangalyo doonka ayaa waxaa ku jira mooshin qaas ah oo ka hadlaya Mideynta Reeraha aan baasaboorka lahayn.

Mooshinkaan ayaa waxaa soo hordhigay baarlamaanka labada mudane ee kala ah Bodil Ceballos iyo Maria Ferm oo ka wada tirsan xisbiga Miljöpartiet.

Labada mudane ayaa mooshinkooda ku dalbadanaya in wax laga badalo sharciga si loo fududeeyo mideynta reeraha Soomaalida.

Dooda ka dib ayuu baarlamaanka u codeyn doonaa in isbedelka la sameeyo iyo in kale.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa horey u balan qaaday in ay caawinayaan soo galootiga oo qaasatan arintaan ay hor dhigayaan baarlamaanka, waxaa muuqata in ay ka dhabeeyeen balanqaadkoodii.

Hadaba Soomaalida ayaa laga doonayaa in ay sii laban laabaan dadaaladooda inta aan la gaarin dooda si arintooda ay u sii shaac baxdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here