Guryo la’aan haysata Soomaalida Växjö

2

In ka badan 150 qof oo Soomaali ah ayaa guryo la’aan ku haysataa magaalada Växjö ee gobolka Kronoberg. Sida uu qoray wargeyska SmålandsPosten dadka qaar ayaa 1 guri iskula degan in ka badan 10 qof ayadoo hada Siyaasiyiinta magaalada ay u fariisteen sidii xal loogu heli lahaa arintaan.

Maamulka magaalada ayaa sheegay in dad badan ay magaalada u soo guuraan balse dhismayaasha guryaha ay yar yihiin ayadoo laga doonayo kamuunka in ay sanadkasta sameeyaan qorsheyn cusub ee guryaha balse aysan sameyn ilaa sanadkii 2003.

dhibaatooyinka ugu badan ayaa laga sheegayaa xaafadaha Araby, Dalbo iyo Nydala. Kamuunka ayaa sidoo kale cabdsi ka qaba haddii Soomaalida loo furo in kharaabadooda loo keeno ay ilaa 400 qof ay imaan karto magaalada.

Dhibaatada guryo la’aanta ayaan ku koobneyn magaalada Växjö oo kaliya balse dhibaatada ayaa ka jirta magaalooyinka waaweyn oo dhan gaar ahaan Göteborg iyo Malmö. Laanta Socdaalka ayaa dadka ku dhiiri galisa in ay degaan degmooyinka yaryar kuwaas oo ay ka fududahay in guri laga helo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here