Isbedel ku yimid galitaanka dugsiyada sare

2

Sharciyo cusub oo ay soo saartay Hay’ada Iskuulada ee Sweden (Skolverket) ayaa qabanaya ardada dooneysa in ay galaan dugsiyada sare. Ardada ka imaaneysa dugsi dhexe ayay qasab ku tahay in ay soo qaataan 12 ama 8 maado ayadoo la doonayo in ay maado kasta ka heystaan Godkänd G.

Ardada dooneysa in ay sameeyaan waxbarashada xirfadeedka ee loo yaqaan (Yrkesutbildning) ayaa laga doonayaa in ay la yimaadaan 8 maado oo midkasta ay ka wataan G.

Hadaba kawaran ardeyda dooneysa in ay dugsiga sare bilaabaan kana taagnaa qaati SFI sidii ay ku dhamayn lahaayeen.
Markii hore waxa lagu gali jiray dugsiga sare maadooyinka loo yaqaano Kärnämnen oo loola jeedo Svenska/Svenska som andra språk, Engelska iyo Matematik balse iminka waa ay adkaatay waana in ay isku dayaan sidii ay ooga dabaalanlahaayeen arintaan adag. Shuruudahan waxay gaar ahan caqabad ku noqondoonaan ardeyda soo galootiga ah ee wadanka mar dhow yimid.
Sharcigaan ayaa dhaqan gali doona bisha Ogoosto ee sanadkaan marka uu bilowdo termiilka labaad ee sanadka. Sidoo kale waxaa  la badalay qaabkii loo bixin jiray Shahaadada oo loo badalay A,B.C.D,E iyo F halka meeshii hore ay ka aheyd G, VG,MVG hadaba hadaan u laabano qaabkan cusub oo loo bixin doono shahaadada A,B,C,D,E IYO F. A-E waxay ka dhigantahay in aad ku baasayso hada aad la timaado, F na waxa ay ka dhigantahay in aad ku dhacayso maadadii aad ka kensato. Halka maadooyinka laga badalay xarfihii ay wadin jireen tusaale ahaan Svenska A svenska B svenska C oo loo badalay Tiro Svenska 1,2,3 ama Matematik 1,2,3.
Waxaa soo diyaariyay Mohamud Momo
wixii faahfaahin ah ka dheeho Utbildningsinfo.se ama Skolverket.se
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here