Facebook isticmaal balse ka digtoonoow

1

Facebook ayaamahan waxa uu noqday bog muhiim u ah dhalinyarta iyo dadka waaweynba asagoo kuu sahlaaya in aad kula kulanto asxaab ay xili hore isugu kiin dambeysay oo aad fariimo ku qorto, sawiro iyo muuqaalo ku darto intaasi waa faaidada Facebook balse ma ogtahay in uu qatar yahay Facebook.

Waxaa xubin ka ah 500 Milyan oo qof sidaa darteed waxaa muhiim ah qofkasta in uu ka digtoonaado waxyaabaha uu Facebook ku qoro. Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigayaa 10 arimood oo muhiim ah in aad ku dhaqanto si aad uga fogaato musiibo kaaga timaada Facebook.

1. Haku qorin warbixintaada qaaska ah Facebook: Macluumaadka sida telfoonkaaga, emailkaaga, gurigaaga cinwaankiisa, waqtigaad dhalatay iyo dhamaan waxyaabaha kale ee loo arki karo in ay qaas yihiin hagu qorin Facebook, haddii aad ku qortid waxay noqonayaan kuwo ay dadka kale aqrisan karaan oo laga yaabo mustaqbalka in ay dhibaato kugu keenaan. Xaqiiji in aadan warbixinadaas ku qorin borofaylkaaga.

Qatarta in aqoonsigaaga la xado ama dhaqdhaqaaqaaga ay la socoto dowlad waa mid wayn haddii aad warbixino si wayn kuu cadeyn kara aad ku qorto Facebook.

Haddii asxaabtaada ay u baahanyihiin in ay macluumaadkaaga qaaska ogaadaan telefoon ugu sheeg haku qorin Facebook.

2. Ka digtoonoow marka aad sawiradaada iyo kuwa reerkaaga ku darto Facebook: Iska hubi waligaa marka aad sawiradaada iyo kuwa caruurtaada aad ku darto Facebook. Xaqiiji in waxa loo yaqaan “Privacy Settings” ay si saxa kuugu sameysan yihiin oo aad xaqiijisay cida arki karta sawiraada. Waxaa la soo sheegay in reer Facebook sawiradooda galiyay loo isticmaalay xayaysiin ayagoon ogayn.

3. Haku fikirin in bogaaga Facebook uu qaas yahay waligaa: Ha u malaynin in borofaylkaaga Facebook uu qaas yahay oo ay arki karaan oo kaliya asxaabtaada iyo kharaabadaada. Ma ogtahay shirkadaha aad shaqada ka raadsato, booliiska iyo dadyow kale oo fara badan in ay warbixintaada raadin karaan oo ay heli karaan.

Ayaamahaan marka ay arimi dhacdo booliska iyo maxkamaduhu waxa ay isticmaalaan Facebook si ay warbixin qofka uga helaan, ma ogid in taasi ay kugu dhici doonto marka ka digtoonoow waxa aad ku qorto Facebook.

Nin ayaa jiray Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay shaqada ka cayriyeen waayo Facebook ayuu ku qoran in uusan jeclayn dadka soo galootiga ah, soo macquul ma ahan in Migrationsverket ay Facebook u isticmaali karto in ay warbixin dheeri kaa hesho marka ay wareysi kula yeelanayaan? Bal ka fikir arintaas.

4. Ha aqbalin dhamaan codsiyada saaxiibtinimada: Sida caadiga ah dad badan ayaa kuu soo diraya in ay saaxiib kula noqdaan Facebook balse qofkasta oo kugu soo darsada mid ujeedo fiican leh ma ahan laga yaabee in qofka kugu soo darsanaya uu yahay mid adiga warbixin kaa raadinaya.

Hadaba ha aqbalin qofkasta ee kugu soo darsada, nidaamka ugu fiican waxa weeye in aad aqbasho dadka aad taqaano oo keliya. Marka qof saaxiib kula noqdo waxa ay awood u helayaan in ay aqristaan waxyaabaha aad dadka oo dhan ka qarisay.

5. La soco waxyaabaha lagaa qoro: Ma ogtahay in asxaabtaada Facebook ay awood u leeyihiin in ay sawiro kugu calaamadeeyaan (Tag), waxaa laga yaabaa in aadan sawirkaas lahayn ama aad leedahay balse aadan rabin in dadka kale arkaan, hadaba la soco waxyaabaha ay dadka kale kaa qoraan ama sawirada ay kugu calaamadeeyaan. Waxaad ka badali kartaa cida arki karta sawirada lagugu calaamadeeyay “Privacy Settings”.

6. Ka taxadar waxyaabaha aad ku qorto darbiga (Wall): Darbiga macnihiisu waa darbi, ka waran haddii aad waxkasta ku qortid banaanka darbiga kurigaaga? Hadaba ka taxadar waxyaabaha aad ku qorto Darbigaaga, marka aad qorto dhamaan dadka oo dhan ayaa arkaya lamana noqon kartid. Iska ilaali in aadan qorin waxyaabo aad ka shalaayi doontid.

Ayaamahaan waxaa soo baxay websiteyo soo bandhiga waxyaabaha qosolka ah ee dadku ay ku qoraan Darbigooda Facebook. Ma rabtin in lagugu qoslo marka taxadar.

7. Haka tagin Facebookaaga asaga oo furan: Haddii kombuyuutar guriga kuu yaal ama mid dadka ka dhexeeya aad isticmaasho iska ilaali in aad waligaa ka tagto Facebookaaga oo furan. Ma ogid in qof kale isticmaali karo Facebookaaga, waxkasta ayuu ku qori karaa Wallka. Hadaba Ka bax (Sign Out) Facebook marka aad ka dhamaysato.

8. Ka ilaali kombuyuutarkaaga Viruska: Ma ogtahay in ay jiraan Virusyo loo sameeyay in ay weeraraan Facebook, haddii kombuyuutarkaaga uu ku dhaco virus waxay sameyn karaan in ay si otomatik ah ay Facebookaaga wax ugu qoraan oo viruska ay u diraan asxaabtaada. Hadaba la soco kombuyuutarkaaga in uusan virus ku dhicin.

9. Iska fiiri hab qoraalkaaga: Mararka qaar waxaa dhacda in aad qorto shay aadan ula jeedin sidaas, sidaa darteed iska aqri waxyaabaha aad qorto inta aadan ku darin Facebook. Waxaa macquul ah hadal adiga kaa qaldamay in uu qof kale si kale u arko.

10. Ka taxadir in aadan xadgudbin: Ugu dambeyntii, Facebook waxa loogu tala galay in wax la isku waydaarsato balse looma baahna in aad isku xadgudubtid oo warbixino fara badan oo aan loo baahnayn iska qortid ama aad dadka kale ka qortid.

Waxaa macquul ah in aad ka heshid in aad mid ka mid ah asxaabtaada ama qaraabadaada ka hadashid balse waxaa macquul ah in aysan jecleysanayn in aad ayaga kaga hadashid Facebook.

Sida caadiga Somaliska waxaan ku qoraa arimaha Sweden iyo Somalia balse waxaan sidoo kale bilaabi doonaan in aan wax ka qoro macluumaadyo muhiim ah oo bulshadu ka faaideysan karto. Insha Allah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here