Home News in English Qarax ka dhacay Magaalada Malmö oo sababay Qasaaro Xoogan

Qarax ka dhacay Magaalada Malmö oo sababay Qasaaro Xoogan

0
Johan Nilsson / TT

Qarax ka dhacay afaafka hore ee guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Malmö, habeenkii jimcaha, ayaa geystay khasaare Hantiyadeed oo xooggan .

Booliska ayaa heegan galiyay markii qarax xoogan laga maqlay guri dabaq ah oo ku yaala xaafada Rosengård ee magaalada Malmö abaara 22:00 habeenimo ee jimcaha.

Qaraxa ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaaray albaabka laga galo dhismaha, waxaana burburay daaqadaha qaar, iyadoo aan weli la ogeyn waxa qarxay, sida uu sheegay booliska magaalada Malmö.

Gurigan ayaa la isku gadaamay xilligaasi waxaana dadka degan guryaha laga codsaday in ay ku sugnaadaan guryaha ay degan yihiin, iyadoo ciidamada Qaranka ee qaabilsan qaraxyada ay baaritaan ku sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay oo ay la socdeen khuburo dhanka farsamada ah,.

waxaana subaxnimadii hore ee saaka la qaaday xayndaabkii ku hareereysnaa dhismaha. Booliska ayaa dhacdadan ku tilmaamay burbur guud oo baaxad weyn, maadaama qaraxa uu geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here