Xaalada Malmö oo kacsan

0

Xaalada guud ee magaalada Malmö ayaa kor u kacday maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii ay ka dheceen weeraro dhowr ah oo lagu beegsanayahay dadka soo galootiga ah.

Isbuucaan galiya ayaa la soo wariyay in ilaa 5 weerar lagu qaaday dad soo galooti ah ayadoo xitaa weerar lagu qaaday haweenay caruurteeda ku haysay gurigeeda ayadoo halkaa lagu dhaacway.

Booliiska ayaa dadka soo galootiga ah u sheegay in ay foojignaadaan ayadoo loo sheegay in ay habeenkii xili hore xoraadaan.

Xalay maqribkii ayaa sidoo kale la sheegay in laga maqlay rasaas meel laga adeegto. Dadka degan magaalada ayaa aad ula fajacsan xaalada ay magaaladu ku jirto, ayadoo booliisku ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in weeraradaan uu ka dambeeyo 1 shaqsi. Booliiska ayaa ninkaan la barbar dhigay nin kale oo lagu magacaabo Laser Man ninkaas oo magaalada Stockholm weeraro la beegsaday dadka soo galootiga ah sanadihii 1990-1992.

Laser Man ayay booliisku ugu dambeyntii gacanta ku dhigeen asagoo hada xabsi daa’im ku jira. Booliiska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in doodaha ka taagan arimaha socdaalka iyo soo galitaanka xisbiga SD ee baarlamaanka ay sii hurisay naceybka loo qabo dadka soo galootiga ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here