Urur looga dhawaaqay Göteborg

2

Dhawaan ayaa waxaa magaalada Göteborg looga dhawaaqay urur Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Soomali  Refugee Victims Organisation kaasoo u jeedkiisu yahay inuu u doodo dadka Soomaaliyeed ee loo diiday sharciga qaasatan kuwa la siiyay waxa loo yaqaano Ut Visa ee la doonayo in dalka laga saaro.

Ururkaan ayaa u istaagay in ay ka hortagaan in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo carartay colaada ka jirta dalkii aan dib looga celin dhibaatadaas.

Sidoo kale ururka ayaa baaq u diray dhamaan aqoonyahanada Soomaaliyed, ururada xuquuqul insaanka in ay la shaqeeyaan oo ay hor istaagaan in aan dhalinta Soomaaliyeed dib loogu celin dagaalada ka jira dalka.

Kama dambeystii ayay ururku baaq u dirayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed ee haysta Ut Visa in ay la soo xiriiraan ururka si la isku kaashado, adigoo kala xiriiri kara ururka telfoonada kala ah  0762253822-0734782550. Gudoomiyaha Ururka Rooble Abdulahi Dhaloole

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here