Shaqo la’aanta oo kor u kacday.

0

Tirada dadka shaqo la’aanta ayaa kor u kac ku yimid bishii la soo dhaafey ee April ayadoo ay gaartay 9.8% taas oo u dhiginta 483,000 oo qof dadka ku nool dalka. Tan ayaa muujineysa in 80,000 oo qof ay kor u kacday shaqo la’aantu marka la eego sanadkii 2009.

“Tirada dadka shaqo la’aanta ah way siiyaadeysaa” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’ada Tiro-ururinta ee Sweden (SCB).

Olle Holmgren oo ka mid ah shaqaalaha SCB ayaa sheegay in kororka dadka shaqo la’aanta ah ay sabab u tahay maadaama arday badan ee fasax ah ay isku diiwaan galiyeen in ay shaqo raadsadaan.

Afhayeenka xisbiga Soshalka ee Sweden ayaa sheegay in tirada la soo bandhigay ay tahay mid walwal abuureysa, ayadoo muujineysa in shaqada dawlada haatan jirta aysan shaqayneyn.

Xigasho: The Local

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here