McDonald’s oo lagu eedeeyay in iibiyaan cunto dhacday.

0

Makhaaxiyada McDonald’s ayaa lagu eedeeyay in ay taariikhda ka badalaan, ka dibna iibiyaan cunto dhacday oo ay ahayd in ay qashinka ku daraan. Sida laga soo xigtay warbixin uu diyaariyay Televishinka Sweden.

Shaqaalaha McDonald’s ayaa taariikh cusub ku soo dhajiya cuntadii shalay ka dibna ka iibiyada dadka maanta, arintaan ayaa xadgudub ku ah balan qaadkii McDonald’s ee ahaa in ay dadka ka iibiniyaan cunto fereesh ah oo kaliya.

“Ma doonayo in aan lahjad xun isticmaalo, balse runtii tani waxay iga dhigeysaa in aan xadgudbo, wax la aqbali karo ma ahan” ayuu yiri Lotta Björk oo ah agaasimaha shaqaalaha ee McDonald’s Sweden.

“Markii macaamiisheenu noo yimaadaan, ujeedadeenu waxay tahay in aan siino cunto kulul oo macaan, waa midaas tan aad naga filaysaan” ayuu intaas ku daray.

Warxibinta teleshinka oo la daawan karo maalinta axada ayaa sidoo kale soo bandhigaysa in haambeegarka mararka qaar dabka lagu iloobo in ka badan intii loogu talagalay.

Waxaa qoray The Local.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here