Dalabka sharciga waa in aad ka xareysataan Nairobi ama Addis Ababa

0

Go’aan cusub oo ay si wada jira u gaareen Laanta Socdaalka ee Sweden iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa waxaa lagu go’aamiyay in dad ka soo jeeda wadamo dhowr ah ee aysan safaarada Sweden ku oolin dalkooda in ay waajib tahay in ay ka xareystaan dacwada, dalabka sharciga iyo dalabka magan-galyo doonka ee qof aan wadankiisa joogin magaalooyin la cayimay. Dadka sharcigan qabanayo ayaa waxaa ka mid ah Soomaalida oo laga doonayo in haddii ay dalbanayaan sharci degenaansho Sweden (sida adigoo laguu dacwooday) aad ka xareysan karto dalabkaaga Safaarada Sweden ee Nairobi, Kenaya ama Addis Ababa, Ethiopia.

Sidoo kale dadka magangalyada ka dalbada Sweden ayagoo banaanka ka jooga dalkooda ama Sweden ee Soomaalida ah ayaa laga rabaa in ay safaaradahaas ay dalabkooda u gudbiyaan, ama haddii wadanka ay joogaan ay safaarad Sweden ku taalo. (dadkaan ma ahan dadka ay kharaabo Sweden uga dacwoonayso)

Go’aankaan ayaan si cad u qeexayn in dadka Soomaalida ee jooga Uganda ama wadama kale ay waajib ku tahay in ay Kenya ama Ethiopia tagaan balse waxa uu qorayaa in ay Soomaalida ay tagaan labaas wadan. Laanta Socdaalka ayaan waydiin doonaa in ay noo cadeeyaan arrintaas.

Go’aankaan ayaa la daabacay 11-kay Bisha May, 2010. Migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here