Yaa lacag siinaya dadka cusub ee imaanaya Sweden?

34

Iyadoo Laanta Socdaalku ay cadeysay in Soomaali gaareysa 20,000 laga yaabo in ay dacwo ku yimaadaan Sweden sanadkaan iyo sanadka xiga ayaa waxaa dood ka taagan tahay cidii qarashkooda bixin lahayd?

Dadka ay u dacwoodeen qaraabadooda oo Sweden sharciga ka qaadatay wixii ka dambeeyay 2010 waxay xaq u leeyihiin in ay ku biiraan xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) kaasoo bixin doona qarashkooda isla markaana u abuuri doona qorshe ay shaqo ku heli karaan, bulshadana ku dhex gali karaan.

Balse dadka doodu ka taagantahay waa dadka ay u dacwoodeen dadkii ay horay u qaabileen kamuunada ee Sweden sharciga ka qaatay bilowgii sanadkii 2010 iyo wixii ka horeeyay. Dadkaas Arbetsförmedlingen shaqo kuma leh, kamuunadana lacag lagu siin maayo qaabilaadooda. Arintaas ayaa waxay dhalisay qaylo dhaan ka timid maamulada kamuunada oo sheegaya in Soomaalida inta badan ay yihiin dadkaan, isla markaana aysan awoodin in ay bixiyaan  qarashkooda.

Dowlada ayaa dhinaceeda ku adkeysanaysa in aysan shaqadooda ahayd maadaama dadkaan ay yihiin dad ay u dacwoodeen qaraabadooda ku nool kamuunada. Arintaan ayaa ka dambeysay hadalkii gudoomiyaha degmada Katrineholm oo marar badan muujiyay dhibaatada dhaqaale ee Soomaalida cusub u keeni karaan magaaladiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here