Home Wararka Maanta Xisbiga Liberalerna oo ku kala aragti duwan qorshaha Dowlada ee Sharciga lagu...

Xisbiga Liberalerna oo ku kala aragti duwan qorshaha Dowlada ee Sharciga lagu Siinayo dayarta ..

0

Iyadoo Bisha June lagu wado in Barlamaanka la marsiiyo qorshaha Dowlada Sweden ku dooneyso in sharciga lagu siiyo ku dhawaad 9 kun oo dhalinyarada kaligood dalka soo gaaray ayaa arintaasi waxaa isku qilaafsan Xisbiyada Dalka.

Xisbiyada qaar ayaa kasoo horjeeda qorshaha Dowlada Halka kuwa kale ay taageereen barnaamijkasi oo fursad lagu siinayo dhalinharo badan.

Xisbiga Liberalerna oo ku jiray xisbiyada kasoo horjeedo arintaasi ayaa hada dhexdiisa ku kala aragti duwan qorshaha Dowlada.

Xubin kamid ah Xisbiga Liberaler ee Barlamaanka ka tirsan Christina Örnebjä ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedo xisbigeeda.

” waxaan u codeendoonaa Haa marka la gaaro bisha June” Christina Örnebjä ayaa sidaasi sheegtay.

Go.anada Xisbiyada badankooda ayaa loobadinayaa in qorshaha Dowlada uu guuleysanayo bisha June markaasi oo Barlamaanka la marinayo.

Hadii Sharciga uu dhaqan galo waxaa fursad helaya dayarta is dhiibtay 25-kii bishii november ee sanadkii 2015.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here