Home Wararka Caalamka Wararkii ugu Danbeeyey Israa’iil oo qiratay tiro badan oo askar ah oo...

Wararkii ugu Danbeeyey Israa’iil oo qiratay tiro badan oo askar ah oo Xamaas uga dishay dagaalka dhulka ah

0
Foto: Ariel Schalit / AP / NTB Foto: NTB

In ka badan boqolaskari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa dhintay tan iyo markii ay bilaabeen dagaalka dhulka ah ee ay Qasa ku hayaan milatariga Israa’iil.

Saddex ka mid ah afar qof oo saaka lagu dhawaaqay inay dhinteen ayaa lagu dilay dagaalka koonfurta Qasa, halka kan afraadna uu ku dhintay shil baabuur oo millatariga israa’iil ay galeen.

Milatariga Israa’iil ayaa baahiyay magacyada 430 askari oo lagu dilay weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Boqol iyo kow ka mid ah askartaan ayaa geeriyootay wixii ka dambeeyay markii ay IDF bilaabeen weerarrada dhulka ah ee ay ku hayaan Qasa laga soo bilaabo 27-kii Oktoobar, kaas oo socda ilaa hadda – marka laga reebo xabbad joojin toddoba maalmood ahayd oo dhammaatay 1-dii December.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here