“Waxaan ku fikiray in aan magac Swedish ah la baxo si aan shaqo u helo”

Cawaale Faarax waa nin Soomaaliyeed oo dagan Robertsfors kommun. Wuxuu Cawaale raadiyay 100 ilaa 200 oo shaqo balse markii uu wax shaqo ah waayay ayuu mar ku fakaray bal inuu magaciisa u badalo magac Swedish ah. Cawaale wuxuu hada shaqo joogto ah ka helay guri ay ku hoydaan carruurta waalid la’aanta yimaada Sweden.

Intii uu Somalia joogay ayuu Cawaale macallin Ingiriis ka ahaa dugsiga dhexe. Wuxuu kadib tarjumaan u ahaa hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn, balse taasi wax sidaa u wayn ugama caawin Sweden. Wuxuu cawaale qaatay kaararka taksiga iyo gawaarida taraagga wuxuuna qoray inta u dhexeysa 100 ilaa 200 codsi shaqo.

Wixii ka dambeeyay 1 dii August ayuu Cawaale si buuxda ugu shaqeeyaa hage inuu u noqdo carruurta qaxootiga ah oo waalid la’aanta ku yimaada.

Wuxuu Cawaale siiyaa dadka soo galootiga ah 4 talo oo muhiim ah.

1. Tababar dheeraad ah ku samee luqadda, qoraal iyo hadalba
2. Daawo TV-ga, idaacaddana dhagayso
3. Ha isku ceebaysan inaad hadasho, hana ka xishoon
4. Ku dhiirro inaad lahadasho dadka kula dagan magaalada.

Wuxuu Cawaale intaa ku daray in dulqaadku uu yahay shay muhiim ah oo qofna wax walba oo uu rabo mar qura uusan wada helayn.

Doris Öhlund oo ah madaxa haysata deegaanka carruurtu daganyihiin ayaa sheegtay inay macno wayn ugu fadhido carruurta iyo shaqaalahaba inay la kulmaan qof soo maray xaalado adag hadana ku guulaystay inuu dhiso noloshiisa Sweden. Doris ayaa sheegtay inay ku talinayso in shaqo bixiyayaashu inay qiimeeyaan tayada shaqsiyadeed ee qofka ee aan kaliya la eegin waxbarashadiisa.

WQ: Folkbladet

WD: Mohamed Said Kulmie
Malung-Sälen

20 comments

  1. xamdi sweden

    Magac Muslim iyo mid gaal isku mid ma ahan, isku qiimo ma ahan isku macno ma ahan.
    Qof kasta in uusan calooosha hooyadiisa kasoo bixin ayaa Alle u qoray Risiqiisa waxa uu ku noolaan lahaa.
    Adigoo Mahamed lagu dhaho inaa MOO baxsataa waa sharaf xumo oo ka carartaa waa sharaf xumo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 3

  2. Massago

    xabdi sxb waaye sis, Risaqa Allaaa qoro baxshana mana kuxirno magac iyo mamuuus,
    Cawaale waxan dhihi lahay Allaah ha uga toobad keeno qaladka aw galay,Inoow Allaa ku kalsoonaado ay eheeed ,
    Aniga Masago ah ayeey igu dhacday taas 500 oo codsi kabadan ayaan diray oo waliba qaarkood ley dhahay med bost kusoo dirr oo waraq iyo frimerk iga gashay iyo waqti mana kahelin waxaan eheyn tvärr waana helay mugi dambe shaqo lkn samar ayeey u baahantahay asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  3. ahmed

    walaal cawaali waan akhriyay maqaaladaada, waa muhiim qoskasta oo soomaali aha inuu dadaalo raadiyo shaqo si naftiisa ugu masuul ugunoqdo waayo waxaa horey looyiri (nin aan quudkiisa hanan karin go”aan kiin ma hanto) waa dadaashay lkn waxaad ku xumeysay gadaal,taasi inay kugu kalifdo ma aheen magacbedelid. magaca muhiim ma ahan ee waxaa muhiim ah imuu qofka la haado tayo. ee waxaa o gaataa inuu ALLAAH damaanad qaadey waxa aad cuni laheed.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. Gislaved

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 8

  5. kkkk

    waxaad midibka isiiga badashaa isgub kadibna waxaad heleesaa shaqo ileen waa fikerkaagee war ilaah wuxuu ku siiyaya midib aan laheli karin loomana baahno in aad kashaleysaan midibka uu ilaah kugu deeqay oo quruxda badan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  6. xamdi sweden

    Magac bixinta qofka markii uu caruur yahay waa muhiim. qof kasta magaciisa ayuu la dhaqan yahay runtii, hadii aad si fiican u baarto, eena fiicantahy magaca wanagsan ee musliimta baxsadaan, shaqo la,aanta waxey ka midtahy imtixaanka aduunka, lkin ha is dhihin waligaa sidaas aya aheenee, aniga fikirka cawaale ma ku taagersani, in magaciisa qaaliga ah aga tanaasuli gaal. sweden waligeeda ayee shaqo xumeed, hadane ma ahan in shaqsiyada qofka ama diintiisa ama dhaqankiisa uu tanaasul sameeyo adigoo og in maalin un ka tagi doontid halkaan oo wadankaaga hooyo aadi doontid,

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. Ahmed

    Kkkkkkk bisinka wlh waa yaab yurub bahdilkaas ma ka jira sxb tas shaqo mahane ilaah yusan kugu caron mahadsanid

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  8. cayni sh...

    asc walaalkey cawaale fikirka u qaatay waa mid qaldan miyusan ogen in u risaqa u allaah qoro inta u calosha hoyo kujiro qof walbo waxu cuni lahaa allaah ayaa qoray .marka waxaa iga su.aal ah hadii aad magaca badashid midabkana side ku badale???

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  9. dahabo

    asc dhamaan saxabta muslim ka ahoow subxana laah ilaahoow ii baanka noo sug iyo diinteenaba iilaah waxuu kuuqoray waad helesaa hada tahay qof iilaah yaqaan maha in maal aad heshid inaad isku bedeshaa aduun waa wasaq iyo maal aduun ee hada qof waliboow ka fiirso ilaahna baryaa wax waliba waa kuu fududane

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. RAGEEDI

    magaca hadi u badasho interfiyuga yaa u maraya hee sxbkisa o swedhish ah ma maaraa hee ani maba fahmin cml kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  11. midnimo

    soomaaliyee CARARLEE maa lagu jiraa ilaa aaqiro, xabad ka CARAR, gaajo ka carar, macag ka CARAR, midabkaaga ka CARAR, luqadaada ka CARAR iyo wax yaabo kale oo muhiim ah jiritaankeena.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  12. IKHLAS

    ASC WR WB MIYEY OO GEYN WALAALAHEYN SOMALIYED IN U XARAN YAHAY MAGAC OO GAL LABAXSADO AMA MAGAC AABAHA AAHEY IN LABAHSADO?

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. NASIR

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK HADII SHAQO LAWAYO MA MAGACA LA ISKA BADALAA?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Magaca...c/laahi omar

    Hadi shaqo lawayo ma dhimanaysa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Dirir

    magacu waa astaanta ugu muhimsan ee waalidku ula baxo ubadkooda oo hooyada iyo aabaha kuugu waqlalaan hadana waa muhiin in loo dooro ubadkaaga magac muslim. marka waxa looga tanaasulo magacaas qaaliga ah haba lawaayo oo yaan la helin. wixii Allah kuu qoray la waymayee dalabka qurxista iyo sida wax lagu raadinayo.’

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. Kadir Yarowe

    Salaan kaddib qof cunsuri ah dartiis magacaaga qaaliga ha u bedelin, waayo haddii aad bedesho ma hubka in aad shaqo ku helee?. Dadka ajaanibta neceb marka u timaado adiga oo wata magacaTomas waa kugu qoslayaan shaqadiina lagu siin maayo, waxaan kugula talin lahaa iska soo tag oo kaalay Denmark ayaa in yar ka cunsuriyad yare shaqona laga helaaye waase haddii aad dhalashada waddankaas lagugu dhibay haysato, haddii kale allaha kuu maqan ee iska sug.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Muska

    Kkkkkkkkkkk bismilaha raxaman raxiin war hee dhe dadkii soomaaliyeed masas baa udan baysay war oraday kusoo labta dalkiin hooyo war hadii aad aragteen dad magacoodi badalay mahaysan dad diintood badalay shaqo darteed waa yaab ilaahow anaga najeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Ahmed

    Hunguri diinta ninkii uga baxayow adigoon isdhibin dadka dhac, xad, kufso,kkk iyo wixii lamida, balse shaqaaan raadinayaa diintaydana waan lidayaa micno samayn mayso, anigu waxaan leeyahay shaqo waa lahelaa iyo wixii alle kuu qorayba ee somalidu ayadaan shaqada ay helaan haysan karin!~

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  19. Abdirashid

    Walaal anigu ma fahmin cabashada dad badani ay ku cabanayaan in shaqo la siin waayay. Hadaba hadaan anigu talo ku siiyo wadan Sweden sidaa shaqo laguma helo ee ha is daalin.
    Tan koowaad waa inaad bartaa dhaqanka dad reer Sweden ee shaqada.
    Tan labaad waa shaqada aad raadinayso u tagtaa oo ay ku arkaan qofkaad tahay.
    Tan sadexaad waa inaad u sheegtaa dadka swedishka ah eed meel kuwada nooshihiin inaad shaqo doon tahay.
    Tan afraad waa inaad nasiib badan tahay.
    Hadaad waraaqaha uun dirtid sidaad shaqo ku heshaa way adagtay.
    Lycka till

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga bulshada Soomaaliyeed ee Sweden. Kala soco wararka Sweden.