Wasiirka is dhexgalka oo Borlänge booqday iyo soomaalida oo soodhaweyntiisa ka qaybqaadatay

7

Wasiirka isdhexgalka Sweden, Erik Ullenhag ayaa booqasho ku tagay magaalada Borlänge si uu u ogaado xaalada dadka soogalootiga ah ku suganyihiin waxaana wasiirka iyo xubnihii la socdeyba si heer sare ah loogu soo dhaweeyey iskuul lagu barto SFI-ga. Wasiirka oo kulamo badan la yeeshay siyaasiyiinta gobolka ayaa wargeyska  aftonbladet, wuxuu ku yiri   “waxaan aad oga walaacsanahay sawirka guud oo aan soomaalida ka qaadanay oo ah in soomaalidu yihiin dad aan shaqaysaneyn waxna baraneyn, sawirkaas oo hada ku sii faafaya xataa shaqo bixiyaasha,laakiin soomaalida inbadan oo ka mid ah waa jaamiciyiin“.

Gabar wariye ah oo warbixin dheer ka qortay booqashada wasiirka  ayaa sheegtay in gabar soomaali ah oo ay wada shaqeeyaan aqoonteeduna heer jaamacadeed gaarsiisantahay la weydiiyey in ay magceeda qori karto iyo in kale mar ay dooneysay in ay iska diiwaan galiso waaxda canshuuraadka(Skatteverket) taas oo muujinaysa in dad badani u haystaan in aan soomaalidu waxba qorin karin.

Warbixintaan oo dhinacyo badan taabanaysa  ayaa markii ugu horaysan lagu qiray in ay qalad tahay in soomaalida lagu tilmaamo dad aan waxba soo baran, waxaana la tilmaamay in soomaalida in badan oo ka mid ah ay luuqada Carabiga wax ku soo dhigteen balse ay ku adagtahay luuqadaha latiniga ah.

Wariyaha Aftonbladet warbixintaan ku qortay ayaa sheegtay in ay Borlänge kula kulantay soomaali jaamiciyiin ah oo ka daalay afkaarta aan salka iyo raadka lahayn oo dad badan oo swedish ah iska dhaadhiciyeen oo ah in aan soomalidu aysan shaqaysan waxna baran, waxayna tusaale u soo qaadatay, Abdullahi Suudi oo wax ku soo bartay jaamacada Mogadishu University, markii uu Sweden yimidna horay ka shaqo bilaabay oo aan waligi wax kaalmo ah ka qaadan Sweden,  Nuradiin oo dhaqaalaha ku soo bartay Yemen hadana wada bas ka dhex shaqeeya Borlänge iyo Mohamed oo ah sargaal ka hawl gala xaafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen), shaqadan helay asagoo shan bilood oo kaliya oo jooga sweden.

Wargeyska Aftonbladet ayaa maalmahaan warbixino isdaba joog ah ka qorayey soo galootiga waxaana hada ka socda KL 11:50 dood looga hadlayo isdhex-galka oo uu ka qayb qaadanayo wasiirka is dhexgalka,Erik Ullenhag .

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here