Wariye caan ah oo Soomaalida ku fadeexoobay

27

Mid ka mid ah wariyaasha caanka ah ee ka hawl gala telefishinka Sweden (SVT) ayaa qarka u saaran  in shaqada laga cayriyo ka dib markii uu hadal aflagaado loo arkay oo ka dhan ah Soomaalida uu ku qoray bogga Facebook.

Ninka lagu magacaabo Janne Gunnarsson oo ah wariye qaabilsan arimaha ciyaaraha tenniska ayaa ka carooday ka dib markii ay dowlada Sweden sheegtay in aysan u hayn lacag ay ku maalgaliso ciyaaraha Tennishka. Ka dib ayuu Facebook waxa uu ku qoray.

– Lacagtu kuma filma marka aan 27,000 oo Soomaali ah siinayno cayr!!!

Hadalkaas oo u muuqday mid uu ku durayo Soomaalida ayaa waxaa cambaareeyay maamulka telefishinka oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, maadaama ninkaan uu yahay nin caan ah oo la xushmeeyo. Ururka Midnimada Soomaalida ayaa raali galin ka dalbay Janne Gunnarsson.

Ninkaan ayaa durbadiiba raali galin ka bixiyay hadalkiisa, isaga oo ka qoomameeyay sida uu u hadlay.

– Waxaan aad uga raali galinayaa Soomaalida iyo dadka kale hadalka qaldan ee aan qoray – ayuu yiri  Janne Gunnarsson.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in shaqada laga cayriyo ninkaan, iyadoo maamulka SVT ay hada u fadhiyaan in ay go’aan ka gaaraan arintaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here