Home Wararka Maanta War Hada Ah France oo lagu xiray 20 Sano jir Swidhish ah...

War Hada Ah France oo lagu xiray 20 Sano jir Swidhish ah oo Dil ka geestay Norway.

0

tan iyo maalinta Jimcaha Booliska Dalka norway ayaa shaaciyay muuqaalo 20 sano jir kasoo jeeda Dalka sweden kaasi oo dil ka geestay Caasimada Dalka Norway.

Raadintiisa ayaa marka hore aheyd gudaha norway lakin jimcihii ayaa loo shaaciyay si Caalami ah iyadoo Sawiradiisa loo qeebiyay wadamada Caalamka.

Wararka hada laga helay Wadanka France gaar ahaan Magaalada Dijon ayaa sheegaya in goor dhow la qabtay Makaveli Lindén oo 20 sano jir ah kana soo jeeda Wadanka Sweden.

Christian Hatlo oo ka tirsan baarayaal ka socda Dalka norway ayaa sheegay in Wadanka Francen lagu xilay Makaveli Lindén isla markana Baarayaal ka socda Norway ay tagayaan Wadankaasi si ay kaga qeyb qaataan Baaritaanka.

Makaveli Lindén ayaa lagu eedeeyay dil loogeestay 24 sano jir u dhashay wadanka norway kaasi oo lagu dilay toorey xili uu ku sugnaa gurigiisa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here