Home Wararka Maanta War Hada Ah Barlamaanka Sweden oo diidmo ugu Codeeyay Stefan Löfven oo...

War Hada Ah Barlamaanka Sweden oo diidmo ugu Codeeyay Stefan Löfven oo Raisal wasaare noqon lahaa.

0

Maanta oo jimco ah Stefan Löfven oo ka tirsan xisbiga (S) ayaa loogu codeeyay barlamaanka dhexdiisa. lakin Barlamaanka ayaa ugu codeeyay maya.

waxaa laga joogaa saddex bilood tan iyo markii doorashooyinka ka dhaceen Sweden wali lama helin dowlad cusub. Maanta oo Jimcaha ah, Barlaanka ayaa u codeeyay Stefan Löfven (S) 200 cod oo kamid ah Barlamaanka ayaa ka soo horjeestay halka 116 ay u codeeyeen waxana ka aamusay. 28 xubnood.

Hogaamiyaha xisbiga Annie Lööf ayaa horay u sheegtay in baarlamanku uu wali diyaar u yahay sidii xukuumad cusub loo heli lahaa.

” doorashada ka dib, waxaannu xisbiyada kale ee Alliance-ka ku heshiinay marti-qaadka xisbiga Sooshal dimuqraadiga si ay dowlad wadajir ah u dhisaan, laakiin xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa diiday, ayay tiri.

Jan Björklund, ayaa dhankiisa hadlay:

“Nasiib darro, codka maanta, ma jiro wax shuruud ah oo lagu maareeyo ” ayuu yidhi Björklund ,isaga ayaa dhiirrigeliyay in xisbiga Libaraalka kasoo horjeestaan Stefan Löfven.

Xitaa Sverigedemokraterna ayaa ugu codeeyay diidmo Löfven.

“Sweden waxay u baahan tahay dib u haajin kalsooni mustaqbalka,” ayuu yidhi Mattias Karlsson, oo ka tirsan SD, oo aaminsan Iswiidhan ay ku dhaweyd nidaam burburay intii lagu jiray xukunkii Stefan Löfven.

Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ee Barlamaanka Anders Ygeman , kama rajo-dhigeno in la dhiso xukuumad S-MP oo Xisbiyada taageero ka helaya.

“Albaabkeenu wuu furanyahay,” ayuu yidhi Ayeman.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here