Home Wararka Maanta War Hada Ah Annie Lööf oo Maya Tiri Codeenta Dowlada Stefan Löfven...

War Hada Ah Annie Lööf oo Maya Tiri Codeenta Dowlada Stefan Löfven soo dhisayo.

0

Dhowr maalmood ayaa Xisbiga Dhexe wuxuu isku dayey inuu la heshiiyo xisbiga Sooshal dimuqraadiga. Laakiin ma shaqeynin arintaasi. Waxa sidaasi sheegtay Annie Lööf, hogaamiyaha xisbigaasi.
.

“Wax walba iyo wax yar ayaan sameeyay . Hadda xisbiyada ugu wayn ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga iyo Moderateka ayaa qaadaya mas’uuliyadda. Waa inay labaduba isbedelaan, si aannu u helno dawlad cusub, ayay tiri Annie Lööf.

Hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga Stefan Löfven ayaa isku dayaya in uu sameeyo dawlad cusub. Si taasi ay u dhacdo,xisbigu waa inuu helaa taageerada Xisbiga Dhexe. hadii aysan suurtagal ahayn, taasi ma cadda in Löfven uu ku guulaysan karo dhismaha dawlad.

Maalmaha soo socda , Barlamaanka ayaa u codeeyn doona siyaasadda lagu dhaqmayo sanadka soo socda.codeenta ayaa dhaceysa xitaa haddii Iswiidhan aysan helin dowlad cusub. Xilligan, waxay u muuqataa in soo jeedinta Moderates iyo Christian Democrats ay ku guuleysan doonaan. Xisbiyada Sverigedemokraterna ayaa sheegay in ay codkooda ku dhiiban doonaan codsigooda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here