Waa markale iyo mowduucii waa Maxay Påsk?

1

Mowduucaan waa midkii aan qoray sanadkii hore. Sida aad la socotaan waxaa maanta bilaabanaya fasaxaya Påsk iyadoo dadka Kiristaanka ah ee caalamka ku nool ay ciid u tahay.  Hadaba waa maxay Påsk? Maxay sameeyaan Kiristaanka? Ciida Påsk ama Easter ayaa ah mid aad muhiim ugu ah kiristaanka iyagoo sheega in ay u dabaal dagayaan kicitaankii uu nabi ciise ka soo kacay geerida 3-maalmood ka dib markii la dilay.

Sida ay aaminsanyihiin Kiristaanka ayay maalinta jimcaha oo loo yaqaan (långfredagen) bilaabaneysaa ciida Påsk iyagoo aaminsan in maalintaas jirkii nabi ciise la dhigay meel god ah, oo aad ay u ilaalinayeen ciidamadii Romanka. Sabtida ayaa loo yaqaan Påskafton. Maalinta Axada ayay sheegaan in uu nabi ciise ka soo baxay godkii la dhigay isagoo ay arkeen dad badan. Isbuuca ka horeeya Axada oo ku beegan Påsk ayay u yaqaanaan (stilla veckan) ama isbuuca barakeysan.

Dadka Kiristaanka ah ayaa u dabaal daga maalinta Påsk iyagoo dhar qurxoon xirta oo laga yaabo in halkaas maalin oo keliya ay aadaan kaniisada sanadkaas ama marka ku xigta ay noqoto Jul ama Kirismaska. Waxay la cunteeyaan reerahooda iyagoo cuna ukuno laga buuxiyay macmacaan.

Sababta ay ugu dabaal dagaan Påsk ayaa ah sida ay sheegaan in ay qiraan in nabi ciise uu geeriyooday isagoo u geeriyooday si uu dambiga uga dhaqo bani,aadamka. Sidaa darteed ayay Påsk tahay taariikhda ugu muhiimsan ee Kiristaanka.

Hadaba sida iska cad ciida Påsk waa mid 100% ka soo horjeeda aragtida Muslimiinta ee Nabi Ciise (nnkh). Shalay waxaan akhrineysay dood ku qorneyd SVT taasoo uu nin ku doodayay in Muslimiintu ay shaqeeyaan ciida Påsk si ay fasax u qaataan Ciidul Fitri ama Atxa – Fikradaas waxay iila muuqatay mid wanaagsan maadaama aysan Påsk wax qiimo ah akteena ka lahayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here