Waa la soo xiray ninkii Johny tareenka u dhigay

13

Ninkii nacaska ahaa ee ku kacay ficilka foolxumada ah ee uu wadada tareenka ugu tagay nin ku dhacay, ayaa xabsiga la soo dhigay xalay. Ninkaan ayaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala xaafada Akalla ee duleedka Stockholm.

Ninkaan ayaa waxaa aqoonsaday shaqaalaha dukaanka LIDL ee ku yaala xaafada ka dib markii uu halkaasi ka adeegtay. Booliska ayay telefoon u direen iyagoo isla markiiba yimid oo gurigiisa kala soo baxay.

Booliska ayaa sheegay in ay hubaan in uu yahay ninkaan midkii falka tuugada ah kula kacay nin lagu magacaabo Johny oo ku dhacay wadada tareenka. Ninkaan ayaa markii uu baartay Johny oo miyir la’aan ah uga tagay wadada tareenka isagoo daqiiqado ka dib uu jiiray tareenka. Inkastoo uu badbaaday ayaa hadana waxaa soo gaaray dhaawacyo badan oo waxaa laga jaray lugta bidix.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan uu horay ficilo kuwaan la mid ah u sameeyay isagoo baartay dad kale oo cabsan habeenkii saqdhexe. Video kale oo la soo bandhigay ayaa muujinaya isaga oo baaranaya qof cabsan oo fadhiya goobta tareenka lagu sugo.

Ka dib markii la shaaciyay sawirkii ayaa dadka ku nool Sweden aad uga caroodeen ficilka uu ku dhaqaaqay ninkaan, iyadoo dad badan ay hawl ka dhigteen soo qabashadiisa. Ninkaan ayaa laga yaabaa in lagu xukumo 6 sano oo xabsi ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here