Home Wararka Caalamka Ururka Xisbullaah oo weerar diyaaradeed ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Israa’iil

Ururka Xisbullaah oo weerar diyaaradeed ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Israa’iil

0

Ururka Xisbullah ayaa weerar diyaaradeed ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Israa’iil, taasoo jawaab u ah dilka mid ka mid ah saraakiishooda sare ee Isniintii.

Kooxda ayaa sheegtay in tiro ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ay weerar ku qaadeen xarunta lagu magacaabo Safed ee waqooyiga Israa’iil. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Mar sii horreysay, saddex xubnood oo ka tirsan Xisbullah ayaa la sheegay in lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday baabuur marayay koonfurta Lubnaan.

Waxaa jiray ku dhawaad maalin kasta israsaasayn la isku dhaafsado xudduudaha u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil tan iyo markii iskahorimaadka Qasa uu billowday bishii Oktoobar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here