Home News in English Ulf Kristersson oo maanta ka tanaasulaya Qorshaha uu ku soo dhisayo Dowlada...

Ulf Kristersson oo maanta ka tanaasulaya Qorshaha uu ku soo dhisayo Dowlada Cusub.

0

Hogaamiyaha Xisbiga Moderateka Ulf Kristersson ayaa maanta la filayaa in uu ka laabto qorshaha uu iskugu dayayay in uu soo dhiso dowlad cusub sida ay heshay wakaalada wararka Ekot.

Ulf ayaa maanta la kulmidoona Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén isagoo kulanka kadib ku dhawaaqidoona in uu iskadhiibay qorshaha uu ku soo dhisilahaa dowlada cusub.

Rajada Xisbiga ayaa xumaatay kadib markii qaar kamid ah Xisbiyada kale ee ka tirsan Alliansen ay diideen taageerida qorshe uu soo bandhigay Moderateka.

Labada Xisbi ee C iyo L ayaa qorshaha diiday madama aysan ku jirin guud ahaan xisbiyada kale ee ku jira Garabka Alliansen.

Galabta galinka danbe ayaa lafilayaa in uu Ulf Kristersson qabto shir jaraa.id marka uu la kulmo afayeenka Barlamaanka isagoo shaacinaya Xaalada guud.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here