Home Wararka Caalamka Wiil Somali ah oo Xaskiisa oo Swedish ah Uurna leh ku dilay...

Wiil Somali ah oo Xaskiisa oo Swedish ah Uurna leh ku dilay Sweden

0

Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Örebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm.

Nin Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen.

Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan.

Xaaska oo ah 20 jir la yiraahdo Saga Forsgren Elneborg, ayna ninkaas wada socdeen qiyaastii muddo labo sano ah ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda, wax lagu tilmaamay “dil sharafeed” sida ay warbaahinta dalkaas sheegayso.

Elizabeth Anderson oo ah dacwad oogaha muddiciga ku ah Maxamed Amiin waxay ku doodday in uu xaaskiisa dilay ka dib markii uu “ceejiyey”, ayadoo ilmihii uurka ay ku siddayna uu geeriyooday.

Xigasho/BBC Somali

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here